Maayarka Caasimadda Hargeysa Oo Sheegay Inaan Dooxyada Laga Dhaansan Karin

0
621

Hargeysa(Geeska)-Maayarka Caasimadda Hargeysa ayaa amaawiir ka soo saaray in dooxyadda iyo dhijaamaha caasimadda ku yaalla laga soo dhaamin Karin,isla markaana u asteeyey ceelasha biyaha ee laga soo dhaamin karo.

Maayarka Caasimadad Hargeysa Md;Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa sheegay inay ku jiraan ka hor tag cudurka shuban biyoodka ah, isla markaana kordniyeen nadaafaddii caasimadda, iyagoo kaantarooladda magaaladda la dhigay hawl wadeenno dawladda hoose oo buufin khafiis ah ku samayn doonna dadka soo galaya magaaladda iyo kuwo soo baxaya.

Sidoo kale, Maayarku waxa uu saddex mashiin u diray magaaladda Burco, kuwaas oo buufin doonna goobaha dadku ku badan yihiin iyo meelaha laga baqayo inay nadaafad daro ka dhacdo.

Ugu horeyn Maayarka Caasimadda oo ka hadlaya ololaha ka dhanka ah ka hor tagga shuban biyoodka waxa uu yidhi “Maadaama oo dal qaybo ka mid ah uu ka jiro shuban biyood waxaanu u diyaar garownay xaalada ka hor tagga cudurkan, maalmahan waxaanu wadnay olole nadaafadeed, waxaanu joojinay dhamaan biyihii laga dhaamin jiray dooxyadda iyo meelaha dhijaamadda ah, cidasta oo lagu qabta waxay mutaysan kartaa xabsi, haday noqon lahayd gaadhi ximaaradda dooxa ka dhaamiya iyo haday noqoto booyadaha dhijaamaha ka dhaamiyaba maanta laga bilaabo cid ka dhaaminkarta ma jirto si aynu umadeenna uga badbaadino inuu ku dhaco xanuun, waxaanu samaynay in Ceelkii Aw barkhadle in aanu waydiisanay mulkiilayaasha Abyan waxaanu gaynay qalabkii iyo dawooyinkii biyaha lagu darayey waxaana naga caawiyey ninka jarmalka ee muslimka ah ee Muxsin, marka ceelkaasi ayaa biyaha laga dhaamin doonnaa, waxa kale oo laga soo dhaamin nayaa ceelasha kale ee ay ka midka yihiin Dararweyne, Xumbo weyne, Daarasalaam, afarta koonana waxa la dhigi doonnaa dawooyinkii biyaha lagu sifaynayey, biyaha intaas ka soo galin ee la qabta waxay noqonayaan biyo laga dhaamiyey Dhijaan ama dooxa, lagama dhaamin karo dhaamanka magaaladda gudaheedda ku yaalla, haday ka Daami noqoto, haday ka qudhac dheer noqoto inkastoo imika biyo ku jirin, iyo ka jig jiga yar iyo meel kasta oo biyo fadhiistaan lagama dhaamin karo”.

“Olola nadaafadda sidiisii ayuu u socon doonnaa, waa in  la gacan siiyo , waxaan magacaabay guddi golaha deegaanka ka tirsan oo la shaqayn doonta, guddida arrimaha bulshadda, guddida degmooyinka iyo nabadgalyadda, waxay ka shaqayn doonaan guddidaasi ka hor taga in magaaladda uu ka dilaaco cudurkaasi ilaahay inooma keenee”ayuu yidhi Maayarka Caasimadda.

Maayarku waxa uu sheegay inuu magaaladda Burco u dirayo saddex mishiin oo buufin doona goobaha dadku iskugu yimaadaan, waxaanu yidhi “Waxaan walaalahayaga reer Burco waxan halkan uga diraynaa  saddex mishiin oo ah mishiinadii lagu buufinayey duqsiga dilaaca, xanuunka laftiisa iyo goobaha lagu karintameeyo dadka, saaxiibkey Maxamed Muraad oo shaqo adag qabtay hawshii abaartuna hore ugu sii habsatay waxaan leeyahay adiga iyo shacabkaaga ilaahay ha idinka sahlo xanuunkaasi, bahda wasaaradda caafimaadkana aad baan ugu hambalyeynaa shaqadda ay hayaan”

Mar kale waxa uu maayarku sheegay inay buufin doona goobaha dadka danyarta ahi ka degan yihiin magaaladda Hargeysa, waxaanu yidhi  “meelaha ugu badan hargeysa ee dadka danyarta degan yihiin waxaan ku samayn doona in la buufiyo, kaantarooladda magaalada laga soo gallana waxa la samayn doonaa buufin khafiif ah, oo noqonysa in qofku jeermisna soo qaadin jeermisna aanu gudbin”

Intaas ka dib waxa maayarka iyo agaasimaha arrimaha bulshadda diyaariyeen saddexdii mashiin ee loo dirayey magaaladda Burco si ay qayb uga noqdaan gurmadka loogu jiro wax ka qabashadda cudurkan.