Maayarka Berbera Oo Sheegay Inaanay DP World Waxba Ku Soo Kordhin Dekedda Berbera Ee Ay La Wareegtay

0
766

Hargeysa(Geeska)-Maayarka magaalada Berbera Md. Cabdishakuur Maxamuud Cidin, ayaa sheegay inaanay DP world wax muuqda oo la taaban karo ku soo kordhin dekedda Berbera oo ay maamulkeeda xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku wareejisay.

Maayarka Berbera, wuxuu sheegay inaanay weli dadka reer Berbera arag waxyaabihii ay saadaalinayeen inay DP world ku soo kordhin doonto dekedda Berbera marka ay maamulkeeda la wareegto. Maayar Cidin oo u waramay Telefishanka Saab, ayaa isagoo ka jawaabaya bal waxyaabaha uu taaban karo ee ay DP world soo kordhisay wuxuu yidhi “Kolay dekedda maareeye kama ihi, laakiin deegaankii ayaan masuul ka ahay. Weli isbedel muuqda oo aynu imika taaban karno oo aan ka ahayn inay nidaamkii iyo maamulkii ay dejiyeen wax isbedel xoogana oo aan imika ku idhaahdo waxaasaa soo kordhay iima muuqata oo maan arag. Laakiin saddex shay ayaa ugu qiimo badan waxyabaha aanu dareemayno ee isbedelka keenay” sidaas ayuu yidhi Maayarka Berbera, waxaanu isagoo sii sharaxaya saddexda nabar ee uu arkay uu yidhi “Koow,  sumcadii degmadu kor ayay u kacday oo ay DP world kicisay oo maalgashigii ayaa ku soo dhiiraday, qodobka labaad shaqaalihii dekedda iyo muruqmaalkiiba nolol kale iyo nidaam kale ayay galeen oo aanay ku shaqayn jirin sida dirayskan xidhoo sidaa u shaqee oo saacadaas gal ayaa halkaas ka soo kordhay. Laakiin shaqadii aanu eegaynay ee aanu isleenahay markaba way qarxaysaa waxaanu isleenahay rajadii iyo himiladii aanu lahayn ayuun baanu rajaynaynaa taloow ma berito mise saadambe ayuu isbedelka xoogani iman doonaa laakiin waxaan odhan karaa weli wax muuqda oo aan imika kuu sharaxo oo aan ku idhaahdo way noo soo kordheen oo dekedii intaas oo markab ayaa soo xidhan kara oo qabar sanaaci ayaa lagu rogayaa oo intaas minit ayaa lagaga baxayaa weli ma hayno oo maanu arag.”

Maayarku wuxuu sheegay inay weli rajaynayaan inay DP world dekedda Berbera ka dhigto mid horumarsan oo la tartankta dekedaha kale ee gobalka.

Hadalkan Maayarka Berbera ayaa ku soo beegmaya wakhti ay dad badani aaminsanyihiin inay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku degdegtay wareejinta dekedda Berbera iyo saldhiga milatari ee ay Imaaraadka Carabta ka siisay Berbera, kuwaas oo ay bulsho badani aaminsantahay inaanay Somaliland u soo kordhin faa’iido la taaban karo.