Maayarka Baligubadle Oo Dhagax Dhigay Dhismaha Dawladda Hoose Ee Gumburaha

0
475

Picture1Hargeysa(Geeska)-Maayarka magaalada Baligubadle ee xarunta gobalka Hawd, Md. Cabdi Iimaan Jaamac, ayaa shalay dhagax dhigay dhismaha dawladda hoose ee magaalada Gumburaha.

Munaasibadii dhagax dhigga, ayaa hadal uu maayarku ka jeediyay wuxuu ku sheegay in khamiista maanta la bilaabayo dhismaha dawladda hoose ee Gumburaha, isagoo sheegay in laga dhisay cashuurta ay dadweynaha Gumburuhu bixiyaan, waxaana hore uu halkaas maayarku uga hirgeliyay saldhiga Booliska oo uu isna sheegay in lagu dhisay cashuurtii shacabku bixiyeen. Wuxuu dadweynaha deegaankaas ugu baaqay inay u diyaar garooban cashuuraha kala duwan.

Odayaasha magaalada Gumburaha oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa maayarka Baligubadle ku ammaanay dhismayaasha dawladeed ee uu magaaladaas ka hirgeliyay.