“Maanta Muuse Ayaa Madaxweyne Ah, Afar Bilood Ama Shan Bilood Ayuu Madaxweyne Ahaa, Laakiin Shantaas Bilood Xabsiyadii Somaliland Way Buuxsameen”

25
3148

Caynaba(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa xukuumada madaxweyne Muuse ku tilmaamay mid dadkii ka buuxisay xabsiyada dalka, waxaanu ugu baaqay dadka xidhxidhan inay xoriyadooda u soo celiso.

Guddoomiye Cirro oo magaalada Caynaba kula hadlaayay qaar ka mid ah taageerayaasha xisbiga Waddani, halkaas oo uu sheegay inuu u tagay inuu u mahad naqo dadkii codka siiyay ayaa xukuumada madaxweyne Muuse Biix ku dhaliilay inay dadkii dalka xabsiyada dalka ka buuxisay, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi”Maanta Muuse ayaa madaxweyne Ah, afar bilood ama shan bilood ayuu madaxweyne ahaa laakiin shantaas bilood xabsiyadii Somaliland way buuxsameen, qofkii hadla, qofkii riyooda, qofkii Facebook wax ku qora, qofkii Twitter-ka wax ku qora, waxaas maynaan maqli jirin barigi hore.”

Waxa uu ugu baaqay xukuumada inuu xoriyadooda dib ugu soo celiyo dadka la xidhxidhay “Waxaynu ugu baaqaynaa xukuumada  inay shacbiga qaybihiisa kala duwan ee la xidh xidhay dhamaan xoriyadoodii u soo celiso, waxaynu ugu baaqaynaa inay sicir bararka wax ka qabto.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here