“Maanta Kamaynaan Filayn Madaxwaynaha Inuu Ina Yidhaahdo Wuu Madaxbanaan Yahay Garsoorku”

0
507

Picture5Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Madasha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa madaxweyne Axmed Siilaanyo u soo jeediyay inuu xakameeyo wasiiradiisa, waxaanu sheegay sidii uu madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu dhaliili jiray garsoorka dalka in aanu madaxbanaanayn uu wali  yahay.

Waxa uu guddoomiye Xasan Guure sheegay in garsoorku  aanu madaxbanaanayn in ay ku filantahay in wasiir ku xigeen uu yidhaahdo waxaanu hakinay go’aanadii ay soo saareen oo cadaalad daro ah. Waxaanu sidan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay shabakada Hadhwanaagnews.

Waxaanu isaga oo arimahan ka hadlaaya uu yidhi Mujaahid Xasan Guure“Garsoorkeenu Inaanu Madax banaanayn cid kastabaa way ogtahay, Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo Markii Uu mucaaradka ahaa waxa uu kaga caban jiray dawladii Daahir Rayaale oo ku tilmaami jiray in ay garsoorka gacanta ku hayso, waana uu faah faahin jiray arinkaas garsoorka dadkana aad ayaa uga dhaadhicin jiray in ay xukuumaddu gacanta ku hayso garsoorka xiligaas oo uu mucaarad ahaa madaxwayne Siilaanyo.”

Guddoomiyaha madasha wada tashiga oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Maanta kamaynaan filayn Madaxwayne Siilaanyo inuu ina yidhaahdo wuu madaxbanaan yahay garsoorka Somaliland, haddii uu ilaaway in markii hore la fara galiyo waxaan maanta markhaati ugu filan wasiir ku xigeenkiisa ay fartu ku godan tahay,wasiirku waxa uu is yidhi is difaac, lakiin waa uu isku markhaati furay waxaana uu yidhi waxaan hakinay in ka badan 380 fulinood oo ay cadaalada daro maxkamaddu ku xukuntay.”

Guddoomiyaha Madasha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka oo hadal kiisa Sii watay ayaa waxa uu intaasi ku daray”Mar hadii amaradii ay goysey maxkamaddu uu wasiir ku xigeenku yidhi waa cadaalad daro, markaas waxa muuqata inaanu rayi buuxaba ka haysan waxa layidhaa cadaalada wasiir ku xigeenku.”

Waxa uu mujaahid Xasan Guure hadalkisa ku soo gunaanaday, talo uu u soo jeediyay madaxweyne Siilanayo “Kolay madaxwayne Siilaanyo mar uu yidhaa Uf Iyo maruu yidhaa  yac ayey kaga soo hadhee, waxaanu madaxwaynaha u sheegilahaa inuu xuduud u yeelo wasiiradiisa.”

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Madasha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa madaxweyne Axmed Siilaanyo u soo jeediyay inuu xakameeyo wasiiradiisa, waxaanu sheegay sidii uu madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu dhaliili jiray garsoorka dalka in aanu madaxbanaanayn uu wali  yahay.