Maanso: Siyaasada Samanka Joogta

0
1877

Eryadii qoraa, Hal_Abuur Maxamed Cabdiqadir Colhaye

Waxay si guud iyo si dadban u taabanaysa qaabka siyasadeed ee dadka soomalida ah dishootay iyo astaamaheeda waana sida tan:

Waxay si guud iyo si dadban u taabanaysa qaabka siyasadeed ee dadka soomalida ah dishootay iyo astaamaheeda waana sida tan:

 Siyaasadan suudi meertay

Siyaasadan sabaco dhabatay

Siyaasadan surmi leeday

Siyaasadan sahwi dhaqaaqday

Siyaasadan sakati booday

Siyaasadan salawga beertay

Siyaasadan saska abuurtay

Siyaasadan siigada  kicisay

Siyaasadan suuqa joogta

Siyaasadan sicirku gooyo,,

SIYAAYADAN SAMANKA  JOOGTA

SIFAHA LAGU YAQAANAA SAASA

SUNBIYO CADHEY QABTAAYO

SUMADII YEELATAY IBLEYSKEE

SALAAMAADEE SAATIRAW NADHAAFI

Siyaasadan samaha  diidey

Siyaasadan colaada soorta

Siyaasadan wacnaan sadqeysay

Siyaasadan maanka solotay

Siyaasadan sibiq dhaqaaqdey

Siyaasadan saaxiibo irdhaysay

Siyaasadan seeto gooysay

Siyaasadan salba dhiganwaydey

Siyaasadan sabigu yaqaano

Siyaasadan wayeel seegtay,

SIYAAYADAN SAMANKA  JOOGTA

SIFAHA LAGU YAQAANAA SAASA

SUNBEY IYO CADHEY QABTAAYO

SUMADII YEELATAY IBLEYSKEE

SALAAMAADEE SAATIRAW NADHAAFI:;

3 Siyaasadan saluugu jiifo

Siyaasadan saruuradi qaaday

Siyaasadan silic maryaantay

Siyaasadan soomal haadey

Siyaasadan isaseega joogta

Siyaasadan suldaanka gaadhay

Siyaasadan miyigii saqaaftay

Siyaasadan magaalo sadheysay

Siyaasadan hawada sabeysay

Siyaasadan biyaha salooshay

;;SIYAAYADAN SAMANKA  JOOGTA

SIFAHA LAGU YAQAANAA SAASA

SUNBEY IYO CADHEY QABTAAYO

SUMADII YEELATAY IBLEYSKEE

SALAAMAADEE SAATIRAW NADHAAFI:;

Siyaasadan saarleyda noqotay

Siyaasadan sacabo tumatay

Siyaasadan saamo jiidey

Siyaasadan sanqadh didey

Siyaasadan sooca noqotay

Siyaasadan sinaanta diidey

Siyaasadan samir darnaatay

Siyaasadan tudhaha seegtay

Siyaasadan seefta sidata

Siyaasadan tusbaxa wadata

 ;;SIYAAYADAN SAMANKA  JOOGTA

SIFAHA LAGU YAQAANAA SAASA

SUNBEY IYO CADHEY QABTAAYO

SUMADII YEELATAY IBLEYSKEE

SALAAMAADEE SAATIRAW NADHAAFI:

5 siyaasadan sirta liqdey

Siyaasadan beerka saxatay

Siyaasadan sahan godoontay

Siyaasadan saadaal hungawday

Siyaasadan sangaha saran

Siyaasadan socod diinleeysay

Siyaasadan sidkeed fogaadey

Siyaasadan sabeenta noqotay

Siyaasadan saqbadh gaadhay

Siyaasadan soofdaran habawday,

;;SIYAAYADAN SAMANKA  JOOGTA

SIFAHA LAGU YAQANAA SAASA

SUNBEY IYO CADHEY QABTAAYO

SUMADII YEELATAY IBLEYSKEE

SALAAMAADEE SAATIRAW NADHAAFI:

6 siyaasadan suudhka xidhatay

Siyaasadan subeeciyada qarsatay

Siyaasadan samada qabatay

Siyaasadan dhulka  siqaysa

Siyaasadn suul dhabaale joogta

Siyaasadan sacabtimoley noqotay

Siyaasadan sanqashada badisay

Siyaasadan saliilyada keentay

Siyaasadan sanbiilka sidata

Siyaasadan saxarna dhaafeyn.

 ;SIYAAYADAN SAMANKA  JOOGTA

SIFAHA LAGU YAQAANAA SAASA

SUNBEY IYO CADHEY QABTAAYO

SUMADII YEELATAY IBLEYSKEE

SALAAMAADEE SAATIRAW NADHAAFI:

7 siyasadan siniin raacdey

Siyaasadan hunguri sudhatay

Siyaasadan suurtee maqnaatay

Siyaasadan sanaadhka bixisay

Siyaasadan seexatee lulootay

Siyaasadan saamaleyl dishooday

Siyaasadan sawraca xumaatay

Siyaasadan sinji doorsoontay

Siyaasadan hidihii sawaabtay

Siyaasadan dhaqankii sixirtay

;;SIYAAYADAN SAMANKA  JOOGTA

SIFAHA LAGU YAQAANAA SAASA

SUNBEY IYO CADHEY QABTAAYO

SUMADII YEELATAY IBLEYSKEE

SALAAMAADEE SAATIRAW NADHAAFI:

8 siyaasadan sunaamida noqotay

Siyaasadan seeskii dumisay

Siyaasadan wacadka saydhay

Siyaasadan amaankii sulaaqday

Siyaasadan sooyaalkii lumisay

Siyaasadan soomaalku eeday

Siyaasadan miyirkii suulay

Siyaasadan suuxdee jirootay

Siyaasadan seymaha jiidhay

Siyaasadan saxaraha istaagtay

Siyaasadan haraad sirinsiqeysan,

;;SIYAAYADAN SAMANKA  JOOGTA

SIFAHA LAGU YAQAANAA SAASA

SUNBEY IYO CADHEY QABTAAYO

SUMADII YEELATAY IBLEYSKEE

SALAAMAADEE SAATIRAW NADHAAFI:

9 siyaaysadan sabarka ka liicday

Siyaasadan saantu joogto

Siyaasadan saylada taala

Siyaasadan dilaalku sooray

Siyaasadan sunuuda doontay

Siyaasadan sanaatidu gadayso

Siyaasadan subaxdii jiifta

Siyaasadan habeenkii soogan

Siyaasadan salaanka noqotay

Siyaasadan saqalaad dhacday

Siyaasadan sinta bidix dhigaysa

Siyaasadan kuurkuursi socota

Siyaasadan   xaraashka sababtay

Siyaasadan hantidii sumeysay

Siyaasadan la siyaasadeeyay

;;SIYAAYADAN SAMANKA  JOOGTA

SIFAHA LAGU YAQAANAA SAASA

SUNBEY IYO CADHEY QABTAAYO

SUMADII YEELATAY IBLEYSKEE

SALAAMAADEE SAATIRAW NADHAAFI:

DHAMAAD

ERAYADII IYO TUSMADII

HAL ABUUR MAXAMED CABDIQADIR COLHAYE