“Maamulka Somaliya Ha Iska Daayo Gardarada Badheedhka Ah”

48
4597

 

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin, ayaa ku baaqay in aad looga feejignaado qabyaalada, oo aan laga tagin qaranimada.a

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale wax aad loola yaabo ku tilmaamay in Somaliland oo ah dal madax banaan, oo xoriyadiisi kala soo noqday Somaliya in haddana Somaliya ku mashquusho, waxaanu ugu baaqay in Madaxda Somaliya arimaha Somaliland faraha kala baxaan, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya qaranimada Somaliland “Somaliland waa dal ay dadkiisu u tashatay, oo waa dal ka madax banaan Somaliya, waa dal leh Madaxweyne la doortay, waa dal leh Barlamaan la doortay, waa dal leh Calan u gaar ah, waa dal leh Lacag u gaar ah, waa dal leh Ciidan u gaar ah, haddii aanu mar la midawnay Somaliya, oo aanu dib ugala soo noqonay xoriyadayadii naga luntay, macnaheedu maaha maantana waanu ka mid nahay, haddii aanu nahay Somaliland faraha lama galno Somaliya heshiisyadeeda iyo hawlaheeda, waana khalad in hawlahayaga soo gasho, ee maamulka Somaliya ha iska daayo gardarada badheedhka ah, oo dhibaatada ka taagan dalkooda wax ha ka qabto, halkay Somaliland oo isku tashatay, wax walbana qabsatay ay ku mashquulayaan,Beesha Caalamku wey ka war qabaan inaynu wax walba iskeena u qabsanay, oo Doorashooyin badani  dalkeena ka dhaceen, oo Dimuqraadiyadu si fiican dalkeena uga hirgashay, ee weynu uga fadhinaa aqoonsiga Caalamiga ah ee inagaga xidhan inay ina siiyaan, oo yey ina daba wadin Somaliya”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here