“Maamulka Puntland Waxaan Leeyahay Hanjabaad Waxba Kagama Qaadi Kartaan Somaliland”

59
4330

Axmed Yuusuf Yaasiin

Hargeysa (Geeska)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay hanjabadi ka dhanka ahaa Somaliland ee  dhawaan ka soo yeedhay Maamul Gobolkeedka Puntland.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo u warmay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Somaliland waa wadan nabdoon, oo nabadgalyadiina ilaashaday, ALLE ka sakow, Somaliland waa Wadan jecel inuu si nabadgalyo iyo wanaag ku jiro uu kula noolado Wadamada uu jaarka la yahay,runtiina haddii aanu nahay Somaliland haba yaraate wax xad gudub ah kumaanu sameeynin Puntland, halka Ciidankayagu tagayna waa gudihii iyo xadkii Somaliland, markaas Maamul Gobolkeedka Puntland waxaan leeyahay hanjabaad waxba kagama qaadi kartaan Somaliland, dhab ahaana Ciidanka Somaliland waa Ciidan mar walba feejigan kana feejigan cadawgooda, cadaw walba oo dhib iyo hagardaamo nala maagana wey ka feejigan yihiin, ee waxba yaan been la isku sheegin”

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mar uu baaq u diraayey guud ahaan Bulshada reer Somaliland ayaa  yidhi “Dadka ku dhaqan Gobolada Bari ee Somaliland iyo dadka ku dhaqan Gobolada Galbeed ee Somaliland iyo guud ahaan dadka ku dhaqan Gobolada, Deegaanada  iyo Degmooyinka kala duwan ee Somaliland, waa dad isku mid ah, waa dad reer Somaliland ah, waa dad isku xuquuq ah, maaha in been la idiin sheego, mana ah in la idin khaldo, oo isir iyo wax la mid ah la idinku khaldo, dadku isku isir iyo kala isirba wey kala noqon karaan, laakiin qaranimada Somaliland ayaa la wada dugsanayaa, markaas qaranimada ha la wada ilaaliyo”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here