Maamulka Puntland Oo Qarka U Saaran Qalalaase Siyaasadeed Iyo Amni

0
559

Garowe(Geeska)-Xaaladda maamul goboleedka Puntland ayaa ku jirta qalalaase siyaasadeed iyo amni, waxaana jira ciidamo isu urursaday inay talada ka tuuraan madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

1

Ciidamada waxa horkacaya guddoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan oo muddooyinkii danbe ciidamo ku urursanaayey dhulka bariga ah ee fog, waxaana uu wacad ku marey in uu xukunka ka tuurayo Madaxweynaha Puntland oo uu dhisaayo Puntland cadaalad ku dhisan. Sida ay warbaahinta Puntland sheegtay Axadii ayuu ninkan ciidanka wataa gaadhay  degmada Belidhidin ee gobolka Bari, shalay subaxna wuxuu tagay waddada Kobdhexaad, waxaana uu laamiga ka qabsadey Kalabaydh, kadibna waxa uu tegey Degmada Carmo oo ah goob istaraataji ah.

Ciidanka uu wato Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari ayaa lagu qiyaasayaa in ay ku dhaw yihiin 200 oo nin, waxaana ay wataan gawaarida tiknikada ah, kuwa ciidanka daabula, kuwa gar-gaarka deg-dega ah iyo Wiish.

Waraysi uu maanta bixiyey Cabdisamad Galan ayaa wuxuu ku  sheegay in uu ku sugan yahay, meel u dhexeysa Bosaso iyo Garoowe, si dhab ah uma sheegin halka uu joogo, wuxuuna sheegay in Ciidanka Puntlandta dhabta ah ee uu hoggaamiyo ay fadhiisimo cusub ka samaysteen waddada laamiga ah, waxa ay u yimaadeena ay tahay in ay dadka ka dhaafiyaan Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Gaas oo uu ku eedeeyay keligii taliye.

Gallan ayaa waraysigiisa ku sheegay in ujeedadiisa u weyn ee ciidankiisu yahay in Puntland laga qabto gacanta madaxweyne Gaas.

Shacabka reer Puntland ayaa ka walaacsan in xaaladu faraha ka baxdo oo uu Puntland ka bilaabmo dagaal sokeeye oo aanay shacabku qaadi karin.