Maamulka Puntland Oo Bilaabay Daan-Daansi Dagaal Oo Ka Dhan Ah Doorashada Somaliland Iyo Ciidamo Ay Xalay Keeneen Tukaraq Iyo Taleex

30
2718

Hargeysa(Geeska)-Maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa bilaabay daan-daansi ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland.

Maalin ka dib markii uu maamulka Puntlnd ku hanjabay inaan xuduudka Somaliland la gayn karin sanaaduuqda doorashada ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maamulka Puntland wuxuu xalay deegaanada Tukaraq iyo Taleex keenay ciidamo dheeraad ah iyo gawaadhida dagaalka, kuwaas oo ah daandaansi dagaal oo uu maamulka Puntland ku mashquulsanyahay.

Taliska Ciidanka qaranka oo ka jawawaabaya daandaansiga dagaal ee Puntland ayaa heegan geliyay ciidamada qaranka ee ku sugan gobalka Sool, waxaana ciidamada la faray inay galaan heegan si ay u difaacaan ciidda Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeedada maamulka Puntland ayaa ah inay kharbudaad iyo qas ku samayso doorashada madaxtooyada Somaliland oo qoondaysan 13 November, waana sababta ay maalmo kooban ka hor doorashada Puntland u soo saartay warsaxaafadeed digniin ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here