Maamulka Dekedda Berbera Oo Ganacsatada Reer Itoobiya Ugu Baaqay Isticmaalka dekedda

0
913

 

berberaHargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliland ayaa ganacsatada Itoobiya ee wax dhoofisa waxna soo dejisa u soo jeedisay inay dekedda Berbera tahay midda ugu haboon ee ay si fudud u isticmaali karaan.

Maareeyaha dekedda Berbera Axmed Yuusuf Dirir, ayaa sheegay in maamulka dekedda Berbera uu khidmadda ugu hoosaysa ka qaadi doono ganacsatada Itoobiya, “Waxaanu ku celcelinaynaa in dekedda Berbera ay istaraataji u tahay dhaqaalaha Itoobiya iyo adkaynta nabadda iyo degenaanshaha Geeska Afrika.” Ayuu yidhi Maareeyaha Dekedda Berbera oo dhawaan u waramay wargeyska Sub Sarahan Informer ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaanu intaas raaciyay “Dhammaan shirkadaha daabulka ee Itoobiya waxa ay ka faa’idi doonaan korodhka ganacsiga dhoofinta iyo soo dejinta ee maraya Berbera.”

Isagoo la hadlaya ganacsatada Itoobiya, waxa uu maareeyuhu yidhi, “Dekeddu ganacsatada dhoofinta iyo soo dejinta ee Itoobiyaanka ah waxa ay xisaabin doontaa kharashka adeeg ee ugu yar. Kaas oo ka duwan kharashaadka xaddiga badan ee ay dekedda jabuuti xisaabiso. Khidmadda halkii kontiinar waa 200 doolar wax kharash ahna lagama qaadi doono gaadiidka daabulka ee Itoobiya.”

Maareeyaha Dekedda Berbera, wuxuu sheegay inay dekedu qayb libaax ku leedahay miisaaniyadda qaranka, “Dekedda Berbera waxa ay miisaaniyadda qaranka Somaliland ka tahay in ka badan 75%, marka balaadhinta dekedda la maalgelinayana inta ay ku leedahay miisaaniyada qaranku wuu sii kordhayaa.” Ayuu yidhi Maareeyuhu.