Maamule Iyo Hoggaamiye: Qeexdooda, Waxa Ay Ku Kala Duwan Yihiin Iyo Shaqada Mid Kasta U Taalla (Q. 2)

31
12328

Hargeysa (Geeska) – Warbixintan oo aynu ka soo xigannay shabakadda Sharqal Aawsat ayaa kala saaraysa maamulka iyo hoggaaminta, waxa aanay soo bandhigaynaa kala duwanaanshiyahooda iyo meelaha ay iskaga eegyihiin.

Khatarta oo la waajaho iyo khatarta oo la yareeyo

Mar kasta oo go’aanku uu noqdo in aad jid cusub marto shaqada ama fikirka midkii uu yahayba, waxa ay noqonaysaa in aad qaadatay jid dhib iyo khatarba leh, sidaa awgeed ayaa ay dadka badankooda ugu adagtahay in ay isbeddelka ku dhiirradaan. Hoggaamiyuhu waa ka ay dhibtaas iyo khatartaas u badheedhistoodu u taallo, waayo mar kasta waxa ay ka shaqaynayaan waa isbeddel iyo hal-abuur aan hore u jirin.

Maamulaha ama maareeyaha shaqadiisu waa in ay xakameeyo oo intii suurtagal ah uu yareeyo khatarta. Waxa uu raacayaa amarrada iyo talooyinka uga imanaya hoggaamiyaha sare, kaddib shaqaalaha ayaa uu ku waajibinayaa oo ku ilaalinayaan fulinta iyo raacista amarradaas. Haddii ay si uun u timaaddo dhibaato ka dhalatay hawlahaas ay fulinayaan, waxa uu markaba xal u raadinteeda isu dhaafinayaan hoggaamiyaha isaga oo ka codsanaya in wax laga beddelo siyaasadihii hore uu u soo dejiyey.

Dhiirrigelin aan qaydnayn iyo dhiirrigelin shuruudi ku xidhantahay

Marka qodobkan laga hadlay, dadka badankoodu aa duma arkaan faraqa u dhexeeya hoggaamiyaha iyo maamulaha / maareeyaha. Sababtu waxa weeye, labadoodaba waxaa laga rabaa in ay inta kale dhiirrigeliyaan, laakiin mid kastaa hab u gaar ah ayaa uu u marayaa dhiirrigelinta. Tusaale ahaan hoggaamiyuhu maareeyuhu / maamuluhu waxa uu shaqaalaha ku dhirrigelinayaa in ay ka fikiraan sida ruux bannaanka ka jooga dhibaatada oo dusha ka arkaya, kaddibna ay helaan xal hal-abuur ah, laakiin maamuluhu waxa uu dhiirrigeliyaa in shaqada la dhammaystiro iyada oo loo marayo tilmamaihii iyo jidkii loo cayimay oo uu shaqaalaha u yeedhinayo. Isaga ayaana ah halka ugu muhiimsan ee ay kula soo nooqnayaan amarqaadashada iyo talada la xidhiidha fulinta hawsha.

In khatarta la waajaho caqabadaha iyo in la isku ilaaliyo ku sugnaanshiyaha sida uu hadda xaalku yahay

Marka shirkadda ama hay’adda la maamulayo ay soo waajahdo xaalad kuduudsi ah ama caqabado fadhiisiyaa ay ka hor yimaaddaan, hoggaamiyaha waxaa la gudboon in uu raadiyo xal si maamulaha iyo hawlwadeennadu ay muddada dhibaatadaasi jirto u noqdaan kuwo si firfircoon oo waxtar leh uga shaqeeya sidii looga gudbi lahaa. Waxa uu hoggaamiyuhu ku dadaalaa in ay si waafajiyaan siyaasadda shirkadda, hay’adda ama dawladda iyo aragtida u dejisan.

Laakiin maamuluhu waxa uu u dadaalaa in xaalku sida uu hadda yahay ku ilaaliyo, oo xitaa haddii uu liito uu ka feejignaado uun in uu hoos u sii dhaco, inta uu amarro iyo talooyin ka helayo maamulka, kaddibna raacayo.

Tallaabooyin dhiirran iyo ku koobnaanta halbeegyada shirkadda

Marka aad hoggaamiye tahay waxa aad ka shaqaynaysaa sidii aad u qaadi lahayd tallaabooyin dhiirran, oo laga yaabo in ay sii kordhiso cabsida khatarta ee jirta, sidaa awgeed waa in aad shaqaalaha ku dhiirrigeliso fikirradaas, iyo in aad tusto in waxa ugu muhiimsan ee xoogga la saarayaa uu yahay in la gaadho aragtida ah in la rumeeyo dhismaha hay’ad ama shirkad xoog badan.

Laakiin marka aad maamule tahay ujeeddadaada guud waa in aad rumayso in ay si guul leh u fulaan go’aamada hoggaanka ka soo baxaa. Haddii aynu si kale u dhigno, maamuleyaashu waxa ay eegaan shaqada shaqaalaha, waxa aanay ku hubiyaan in ay shaqadaasi waafaqsantahay halbeegyadii hoggaanku dejiyey. La soco…

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here