Maamulaha Dahab Shiil Oo Khudbad Ka Jeediyay Jaamacadda Oxford Ee UK

0
265

 

shiilMaamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil, Cabdirashiid Maxamed Siciid oo ah shirkadaha ka adeega isu-diridda lacagahaha kuwa u horeeya ee Afrika, ayaa khudbad heerka kowaad ah ka jeediyey kulan ay soo qabanqaabisay Jaamcadda Oxford oo soconayey 29-30 June. Shirweynahan oo ahaa kii u horreeyey ee noociisa ah, waxa uu taabanayey qodobbo la xidhiidha Soomaalida qurba-joogta ah, isaga oo culayska saarayey, gaar haan, sida horumarka laga sameeyey dhinacyada warbaahinta iyo isgaarsiintu saamayn ugu yeeshaan dadweynaha dhulyawga qurbajoogto ka tagtay marka laga eego dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo dhaqanka. Mudanta kale ee ka hadashay madasha waxa ka mid ahaa aqoonyahanno ka mid ah iyo kuwo  ka baxsan Oxford University, weriyeyaal ka kala socdey BBCda, VOAS, Al Jazeera iyo dhawr warbaahinood oo Somaalida ka dhex muuqda ah.

 

Shirkadda Dahabshiil waxay leedahay sooyaal taxan afartan sannadood oo ay ka dhex adeegeysey bulshooyinka caalamka. Awood aad u sarraysa ayay hadda ku leedahayisugudbinta lacagaha ee Geeska Afrika oo kaalin mug leh ka qaadata nolosha iyo horumarka gobolka. Wakiillada iyo xafiisyada lacagaha laga bixiyo ee shirkadda ee maalinba maalinta ka dambaysa sii fidiya ayaa waxay door lama illaawaan ah ka qaataan dadyawga lacagaha loo soo diro oo qaarkood meelo aad uga fog xuddunta xaddaaradda ku nool yihiin, taas oo oo door ku leh samata-bixinta iyo horumarinta bulshooyinkaasi.

Khudbaddiisa qaayaha badnayd ee Maamulaha Guud, Abdirashid Duale, uu jeediyey, waxa uu ku soo qaaday sida  degdegga ah  ee isgaarsiintu uga hanaqaadday, uguna horumarayso gobolka, isaga oo gaar haan isu dul taagay sida Shirkadaha Dahabshiil ay ula xidhiihdaan uguna hawlan yihiin isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda casriga ah ee Intenetka aan waayirka loo adeegsani uga mid yahay iyada oo Dahabshiil xidhiidh sokeeye horumarinta isgaarsiinta kala yeesho  saaxiibbo ay isku dan iyo damqasho ka yihiin mawduucan. Waxa uu Maamuluhu si  qoto leh u taabtay sida Dahabshiil uu xilli dhow qayb weyn ugu yeeshay shirkadda SOMTEL, oo ah shirkad si xawli ah uga dhex muuqanaysa isgaarsiinta, aqoon dheer iyo takhasuusna u leh horumarinta tiknoolajiyadda aan waayirka lahayn, Internetka moobaylka iyo Intenetka xawaaraha sare leh ee loo yaqaan High Speed Broadband. 

Waxa uu Maamulaha Guud  tilmaamay in adeegga isgaarsiintu ka mid yahay kuwa ugu tartanka sarreeya ee gobolka, uuna geeddi dheer ka soo durkay sagaashanaadkii oo ahaa xilli aan adeeggani jirin, xidhiidhka isgaarshiineed ee keli ah ee jirteyna ahayd reeryawyadii loo yiqiin HF’ka (high frequency radios) oo ahaa mid jaban, meel kasta gaadhayey oo ay ku soo doogeen dadka Soomaalida ahi. Waxa uu Maamuluhu xusay in tartanka ka dhex jira adeeggan uu dan u yahay dadweynaha oo ka dhimayo qiimaha, iyada oo bulshadu faa’iidooyin kale o dhinacyo badan leh ka heli doonto isku-xidhka tilfoonnada shirkadaha iyo isticmaalka Fibre Optic’ka ee inuu hirgalo la  sugayo.

Waxa uu Maamulaha Guud tibaaxay in, tusaale ahaan, tilifoonnada debedaha  loo diro, ay ku jiraan kuwa raqiis san dunida. Waxa uu tilmaamay Maamuluhu in adeegsiga moobayllada oo tiknoolajiyad casri ahi hagayso iyo tirada shirkadaha isgaadhsinta oo ay ka mid tahay SOMTEL – oo adeeg GSM oo aad u heer sarreeya bixisa, isticmaalka  kaadhka debit’ka ee eCash iyo adeegyadan casriga ahi ku baahi doonaan gobolka oo idil, kana sii gudbi doonaan. Waxa uu xusay maamuluhu in horumarka laga gaadho adeegyada isgaarsiintu uu faa’iidooyin aan erayo lagu soo koobi Karin u leeyahay isu-gudbinta lacagaha iyada oo macaamiisha Dahabshiil ay manta aad u og yihiin, una garawsan yihiin faa’iidooyinkaasi. Tusaale ahaan, ayuu yidhi Maamuluhu, lacagaha la isu diro – meel kasta ha ahaatee, daqiiqado wax ka yar ayay ku gaadhaa loo-diraha, iyada oo diruhu raad-guri karo oo la soconayo  in la qaatay lacagtii iyo in kale, iyada oo weliba isla marla lacagtu u timaaddo loo-diraha si electronic ah loogu diro farriin ku wargelineysa lacagta u timi oo SMS ah.

Gunaanadkii khudbaddiisa, waxa uu Maamulaha Gud, Abdirashid Duale, yidhi, isaga oo tilmaamaya xiriirka ka dhaxeeya  qurba-joogta: “Dahabshiil waa shirkad qurba jog oo aad u fahansan danaha iyo baahiyaha qurba-joogta, sidaana kula shaqaysaiyada oo kaalin lama-illaawaan ah ku leh adkaynta ma joogtaynta xidhiidhada ay qurba-joogtu la leeyihiin aheladooda iyo asxaabtooda meel kastaba dunida ha ka joogeene”.

Waraysi uu Maamuluhu bishii hore siiyey wargayska Financial Timeswaxa uu hoosta ka xariiqay sida isfahanka ka dhaxeeya Dahabshiil iyo qurba-joogtu saamayn togan ugu leeyahay guusha Shirkadda. “Haddii aad moog tahay oo aanad si qoto leh isu aqoon  dadkaaga kuu macmiisha ah iyo hawlwadeenkaaga, shirkad jirta ma ahaan kartid. Aqoontaa la xiriirta xirfadda ama mihnadda aan ka shaqayno, Soomaalida iyo adeegga sare ee ay iga rabaan ayaa wax badan noo fududaysay macaamilka oo aan ka dhigin mid dhib badan iyo hantaaqooyin badan leh”, ayuu tibaaxay Maamuluhu isaga oo ka hadlaya ahmiyadda isfahanka macaamiisha iyo shirkadda Dahabashiil.

  Hay’adda Qaramada Midoobey waxay ku qiyaastay lacagaha loo soo diro Afrika ilaa 22 bilyan oo Dollar’ka Maraykanka ah sannadkii, halka 1990 ay ka ahayd 9bilyan oo Dollar. Lacagaha ku socda ee gaadhaya goobaha aad uga fogfog magaalooyinka waaweyn ayaa iyana aad u kordhay iyada oo lagu sababeeyey sida horumarka leh ee isu-socodka iyo isgaarsiintu u hanaqaaday. Waddamo badan oo Afrikada Bari ah ayaa dhaqaalahoodu siyaabo badan ugu sidkan yahay isu-diridd lacagaha, waxana la qiray in u-adeegsiga isgaadhsiinta isu-diridda lacgugu caqabado badan meesha ka saari doonto, dadyaw badan oo sabool ahna u furi doonto albaabo waasac ah oo lagu gaadhsiiyo lacagaha loo soo dirayo.