Maalqabeennimada Iyo Talooyinka Habboon Ee Aad kaga gudbi karto

Published on Oct 05 2017 // Googooska Geeska

Cilmibaadhiso kala duwan ayaa lagu ogaaday natiijooyin aaminsan in maskaxda iyo qaabfikirka dadka maalqabeenka ahi ka duwan tahay ta dadka faqiirka ah ama dakhligoodu yar yahay, waa marka laga hadlayo xoogsiga dhaqaalaha. Maqaal arrintan la xidhiidha oo uu Geeska Afrika turjumay ayaa shabakadda Business Insider waxa ay ku soo bandhigtay calaamado ay khubaradu caddeeyeen in ay qofka caqabad kaga noqon karaan gaadhista maalqabeennimada, waxa aanay yihiin:

Calaamadahan waxaa ugu khatar badan in qofku aamino in saacado badan oo shaqo, dadaal iyo daal ahi ay ku filan yihiin in qofka ay ka dhigaan maalqabeen, sida oo kale in xoogga la saaro lacag urursiga iyo raadinta xoogga ah ee lacagta ayaa isna aan ahayn jid lagu gaadho maalqabeennimada, waayo tan dambe waxa ay qofka ka xidhaa fursado badan oo uu lacag intaas uu hayey ka sii badan ku xoogsan lahaa.

Iibsiga wax ka sarreeya tamartaada iyo awooddaada dhaqaale xitaa haddii aad ku tirsan tahay dadka ladan ayaa ah arrin aan iyaduna caawin in qofku uu maalqabeen noqdo. Waayo waxa ay khubaradu ku taliyaan in ay waajib tahay in qofku uu xakameeyo wax-iibsigiisa.

Haddii aad tahay dadka ku qanca in ay mushahar sugan qaataan, waxa aad ogaataa in aad aad uga fogtahay dunida maalqabeenka, waayo maalqabeenka waxaa u badan dadka marka hore shaqadooda ku bilaaba in ay iyagu shaqo abuurtaan oo aanay shaqaale noqon.

Waayo-araggu waxa ay ku taliyaan in sida ugu fiicani ay tahay in qofku uu isagu sameeyo maalgashi uu shaqo ku abuuranayo, taas oo ay ku tilmaameen jidka ugu dhow ee maalqabeennimada loo maro, heer kasta oo ay tahayba. Iyaga oo sida oo kalana caddeeyey sida ay lagama maarmaan u tahay in qofku uu shaqadiisa ka dhigo mid waafaqsan xiisihiisa iyo waxa ay naftiisu jeceshay in ay ka shaqayso, kuna taliyey in uu iska ilaaliyo in uu ku daydo uun cid kale oo shaqo abuuratay kadibna guul ka gaadhay. Waa in uu qofku ka fikiro in uu abuuro shaqo uu xiisaynayo aqoonna u leeyahay si uu midho uga dhaliyo.

Warbixintan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka Aljasiira waxa ay intaas ku dartay in qofka doonaya in uu maalqabeen noqdaa uu marka hore maskaxdiisa u sheego in aanay ahayn arrin si dhib yar lagu gaadhi karo, balse ay ka doonayso in uu maro jid taakooyin iyo turaanturrooyin badani yaallaan, raaxana aanay waxba ka tarayn. Waa in qofku uu mar kasta naftiisa ku sameeyo dib-u-qiimayn uu ku eegayo bal inta uu diyaar u yahay shaqadan iyo in uu waqtigii saxda ahaa geliy. Waxaa iyaduna muhiim ah in uu qofku samaysto halbeeg uu ku qiyaasi karo horumarka uu gaadho iyo bartilmaameed noqda yoolka uu hiigsanayo gaadhistiisa, ugu dambayntii qofku inta aanu maalgashiga samayn waa in uu daraaseeyo waxa uu maalgashanayaa inta ay midho dhal yihiin iyo in uu sameeyo qorshe maaliyadeed iyo nidaam xisaabeed sugan oo ka horreeya bilowga maalgashigiisa.

Waxa ay xeeldheereyaashu caddeeyeen in aanay muhiim ahayn xaddiga lacageed ee uu qofku raasamaal uga dhigayo maalgashigiisa, waayo waa uu koroyaa raasamaalku. Iyaga oo ugu dambayntiisa tilmaamay in haddii qofku uu tallaabooyinkan iyo kuwa la midka ah ee arrintan khuseeya raaco, aanay jirin wax u diidaya in uu ka mid noqdo dunida maalqabeenka, waxa se dhibaatada ugu badani tahay in qofku eego dhiggiisa oo samaynaya dadaalkii uu maalqabeenka ku noqonayey oo haddana aanu isagu ka fikirin uu qudhiisu samaysto jidkii uu u mari lahaa maalqabeennimada.

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!