Maalqabeenka Adduunka Oo Tiradoodu Sii Kordhayso Iyo Maalgashiyada Ugu Badan Ee Ay Ka Helaan Faa’iidada

0
1024

Washington (Geeska)- Sahamin dhowaan la sameeyey ayaa lagu ogaaday in tirada maalqabeenka adduunka oo sannadkii hore ahayd 12 Milyan ay sannadkan korodhay qiyaas dhan boqolkiiba 9.2 sababo la xidhiidha koboca qiimaha suuqyada saamiga iyo iibka guryaha oo ka mid ah ganacsiyada ugu samaaynta badan dhaqaalaha adduunka.

Sahamintan oo natiijadeeda ay salaasadii toddobaadkii hore ku dhawaaqeen Baanka RBC ee dalka Kanada oo ka shaqeeya maamulka hantida iyo raasamaalka iyo Shirkadda Capgemini ee adeegyada maaliyadda ayaa si gaar ah u eegaysay dadka haysta lacag ka badan hal Milyan oo ay maalgashi u isticmaali karaan. Sahamintani waxa ay hoosta ka xariiqday in woqooyiga Ameerika ay tahay halka tirada maalqabeenka ugu badan adduunku ay ku nooshahay, iyada oo lagu qiyaaso in ay joogaan 3.7 Milyan oo qof oo haysta lacag ka badan Hal Milyan oo doolar oo maalgashi u diyaar ah. Laakiin waxa ay daraasaddani saadaalinaysaa in gobalka Aasiya Baasific ay u dhowdahay in uu dhowaan noqdo halka maaqalbeenka ugu badani ku dhaqan yahay, iyada oo uu kaalintaas hore u galay sannadkii 2011 ka.

Sahamintan ayaa sheegtay in sababaha tirada maalqabeenka woqooyiga Ameerika u korodhay ay ka mid tahay korukaca suuqa saamiyada iyo maalgashadayaasha Woqooyiga Ameerika oo ku dhiirraday in ay boqolkiiba 37 maalkooda geliyaan suuqa saamiyada, waxa aanay aad uga badan tahay tirada maalqabeenka ka soo jeeda gobalka Aasiyada Baasifigga oo maalgashadeyaashooda lagu tilmaamo in ay aad uga taxaddaraan maalgashiga suuqyada lacagta.

Xaddiga hantida ay leeyihiin dadka dunida ugu maalqabeensan ayaa la ogaaday in ay boqolkiiba 10 sii kordhay, oo ay tiradoodu gaadhay 54.2 Tirilyan oo doolar, gaar ahaan marka la barbar dhigo xaddigii 40.7 Tirilyan ahaa ee ay hantidoodu ahayd sannadkii 2007 markii mushkiladda dhaqaale dunida ku dhacday.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Aljasiira ayaa intaas ku daraya in sahamintan lagu ogaaday in maalqabeenka Maraykanku ay boqolkiiba 53 jecelyihiin in ay lacagtooda ku maalgashadaan shirkad keliya oo maaliyadeed.