Maalqabeen Qarka U Saaran In Uu Kaalinta Koowaad Ee Haybta Adduunka Ka Riixdo Bill Gates

0
556

Washington (Geeska)- Mulkiilaha shirkadda weyn ee Microsoft Bill Gates iyo Jeff Bezos oo madax ka ah shirkadda caanka ah ee Amazon ayaa loollan adag ugu jira, mid kooda loo aqoonsan lahaa in uu yahay qofka ugu maalqabeensan adduunka maanta. Liiska qiimaynta kala horreynta maalqabeennada adduunka ee ay soo saaraan majaladaha Forbes iyo Amazon ayaa sheegay in 77 Bilyan oo keli ahi ay Bezos ka xigaan in uu kaalinta koowaad ee maalqabeennimada adduunka ka riixdo Bill Gates. Kadib markii raasamaalka saafiga ah ee Bezos oo hore u ahaa 2 Bilyan oo doolar uu mar keliya ku booday 80 iyo Badh Bilyan oo doolarka Maraykanka, taas oo ka dhalatay faa’idooyin xoog badan oo ay shirkadda Amazon ee uu aasaasay ka samaysay waxyaabaha ay iibiso.

In kasta oo hantida Bozos ay xitaa ka hoosayso hantida uu haysto maalqabeenka reer Isbayn ee Amancio Ortega oo ah aasaasaha iyo maamulaha shirkadda dharka ee Inditex oo ay isaga hantidiisu hadda joogto 81 Bilyan oo doolar. Laakiin Bezos oo ka tallaabsaday Warren Buffet oo ah madaxa iyo mulkiilaha shirkadda Bershire Hathaway, oo mar ahaan jirayba ninka dunida ugu maalqabeensan, marka la eego celceliska xawaaraha uu ku socdo korodhka hantida Bezos, haddii aanay wax kale is beddelin waxa ay ku socotaa in uu sannadaha soo socda qabsan doono kaalinta koowaad ee maalqabeenka dunida. Isaga oo lagu wado in uu kaalintan ka riixan doonon ninka uu loollanka dhinaca maalqabeennimadu u dhexeeyo ee Bill Gates oo isagu sannadihii u dambeeyey ahaa ninka koowaad ee dunida ugu maalqabeensan, hantidiisana lagu qiyaaso 86 Bilyan oo doolarka Maryakanka ah.