“Maalinta Doorashadu Waa Maalin Aad U Weyn, Caalamka Oo Dhana Waa Ina Wada Eegayaa”

35
3418

Maxamed Biixi Yoonis

Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, oo hadda ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay Doorashada Madaxtooyada, waxaanu baaq u diray Shacabka reer Somaliland, Taageerayaasha Xisbigiisa, iyo Musharixiinta ku loolamaya hogaaminta dalka,

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in Xisbiga Waddani ku guulaysanayo taladda dalka, isagoo sheegay in dadku maanta doonayaan is bedel, waxaanu ugu horeyn yidhi  “Waxaan ku baaqayaa in nabadgalyada la ilaaliyo, si ay Doorashadu inoogu dhacdo si amniya, Beeshii Caalamka oo dhan baa inala jooga, waa la ina eegayaa, waana inay inoo dhacdaa Doorasho xor iyo xalaal ah, oo aynu nabadgalyadeena xajisano, waana in si wanaagsan oo qurux badan u coddeyno, oo amnigeena ilaalino, oo aynu gacan siino Ciidamadeena inala ilaalinaya, oo waa inaynu buuqa ka ilaalino”.

Maxamed Biixi Yoonis mar uu baaq u diraayey Musharixiinta ayaa yidhi “Musharixiinta waxaan ugu baaqayaa in nin kastaaba uu dadkiisa la hadlo, oo dadkiisa ku gubaabiyo in maalinta Doorashadu tahay maalin aad iyo aad u weyn, taariikhda Somaliland ku weyn, Caalamka oo dhana waa ina wada eegayaa, marka in anshaxa Doorashada iyo nidaamkeeda, dhaqankeeda iyo habsami u socodkeeda inay ilaaliyaan, kuna gubaabiyaan dadkooda amaanka iyo nabaddalyada iyo jirataanka Somaliland, umaddana ilaaliyaan, ayaan ku gubaabinayaa”

Mar aanu wax ka weydiinay rajadda uu ka qabo in Xisbiga Waddani taladda dalka ku guulaysanayo iyo baaqa uu u dirayo Taageerayaasha Xisbigiisa iyo shacabka reer Somaliland ayaa yidhi “Xisbiga Waddani, waa Xisbi is bedel doon ah, waa Xisbiga ay maanta umaddu ku soo hiranayso, waa Xisbi maanta yar iyo weynba, ay doonayaan inuu keeno is bedel khayr qaba, waxaana balan-qaadayna in aanu is bedel khayr qaba keeno, oo aanu umadda ku hagno wanaag, horumar, dhaqaale fiican, oo aanu la dagalaano musuq-maasuqa,sidii aanu hore ugu balanqaadayna umadda reer Somaliland ee hantidoodii la boobayna, in aanu u soo celino, hantidoodii laga boobay, ayaanu balanqaadaynaa, hantida qaranka ee la boobay in aanu soo celino ayaanu balanqaadayna, amniga qaranka iyo midnimada Somaliland Xisbi kaliya ee ka shaqeeyn kara ayaanu nahay, Xisbiga Ictiraafka iyo horumarka keenaya ayaanu nahay, Xisbiga ay umaddu doonayso ayaanu nahay, insha allaahna waanu ku guulaysan doonaa Doorashada”.

Mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko eedaha Xisbiga Kulmiye, ee Xisbigooda Waddani ay kula xidhiidhiyaan Somaliya ayaa ku jawaabay “Warkaas wax alaale wax ka jiraa ma jiro, Xisbiga Waddani, waa Xisbiga hormoodka ka ah inay Somaliland mid ahaato, waxaanu balanqaadaynaa in aanu nahay Xisbiga maanta keeni kara Ictiraafka, Somaliland oo xor ah, oo ka mid ah Beesha Caalamka, markaas waa sheeko yar oo iska jaban, oo Xisbiga Kulmiye oo maanta umaddii ka guurtay, ayaa doonaya inay umadda qas galiyaan, oo wareer mar labaad inagu soo celiyaan, wax laga dhegaysanayana maaha, umaddani nabad bay rabtaa, ma doonayno in umadda reer Somaliland la kala qaybiyo, waxaanu rabnaa umad siman, iyo Beelo wada siman, oo Dawladda Somaliland, la iska dhex wada arko, min Barri ilaa Galbeed, Dawlad aan kala qaybsanayn, oo aan qabyaalad lahayn, oo midnimada Umadda ka shaqeeysa ayaanu dhisaynaa, markaas Xisbiga Kulmiye dacaayad raqiis ah oo aan ka soconayn ayuu wadaa”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here