Maaddo Ku Jirta Khudradda Noocyadeeda Kala Duwan Oo La Ogaaday In Ay Cimridherer Keento

0
1169

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo caafimaad ayaa ayaa daahfurtay in iskudhiska ‘Fisetin’ ee laga helo noocyada khudradda oo ay ta cagaarani ku jirtaa ay caawiso in qofku uu ku noolaado caafimaad inta dabiiciga ah ka sii fiican iyo cimri dherer.

Cilmibaadhayaal ka socday Maxadka Cripps Research Institute iyo xarunta caafimaadka ee Mayo Clinic oo labaduba Maraykanka ku yaalla, ayaa sheegay in tijaabooyinka ay sameeyeen ay muujinayaan in maaddada Fisetin marka ay jidhka gasho ay awood u leedahay in ay yarayso unugyada gabowga ee ku jira nudaha dufaneed ee maqaarka.

Cilmibaadhis hore oo lagu faafiyey majaladda ‘Nature’ ayaa iyaduna muujisay in maadadda Fisetin ay awood u leedahay in ay wanaajiso shaqada jidhka korna u qaaddo firfircoonidiisa, gaar ahaan marka uu jidhku gabow tirsanayo.

Xarunta caafimaadka ee Mayo ayaa hadda wadda shaybaadho cusub oo ay ku baadhayso maadadda Fisetin si loo ogaado sida ugu habboon ee habkan ay soo sheegnay loogaga faa’iidaysan karo, waxa aanu qorshuhu yahay in laga sameeyo dawo labada sano ee soo socda gudahooda ku soo bixi doonta oo dadka u suurtagelisa in ay ku daweeyaan unugyada gabowgu ku dhaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here