Ma Xukun Iyo Xabsi Ayay U Baahnaayeen Darbi Jiifku Mise Daryeel?

0
939

Hargeysa(Geeska)-Maxkamadda gobalka Maroodi-jeex ayaa min lix bilood oo xadhig ah ku xukuntay 20 dhallinyaro oo ka mid ah dhallinyarada Hargeysa ku nool ee darbi jiifka ah, kuwaas oo dhawaan xabsiga loo taxaabay markii ay cabasho la hortageen wasaaradda arrimaha bulshada iyo qoyska.

Garsooraha maxkamada gobalka Maroodi –jeex Garsoore Yaxye Xuseen Yuusuf, oo u waramay BBC-da ayaa yidhi  “Waxa ay maxkamada gobalka Hargeysa ay xukuntay 20 eedaysane oo ku eedaysan sakhrad iyo arbushaad xafiis, marka hore eedaysanayaashu waxay ahaayeen 23 waxaanay maxkamadu sii daysay oo ay danbi ku wayday 3 ka mid ah labaatankii kalena maxkamadu waa ay xukuntay.”

Waxa la waydiiyay garsooraha waxa loo haystay kooxda darbi jiifta ah ee la xukumay“ Waxa loo haystay laba qodob ayay ahaayeen arbushaad xafiis iyo sakhrad  labadaas ayaa loo hastay, arbushaadii waa ay ku wayday waxa ay ku heshay sakhradii oo mukhaadaraadkii lagu eedaynaayay ayay maxkamadu ku heshay, dhamaan markii aanu mid midh u waydiinayna maxkamada ayay qiraal ay ka bixiyeen.”

Markii uu shalay soo baxay xukunka maxkamadu, dad badan oo ka mid ah bulshada Somaliland, ayaan soo dhawayn xukunkaas, waxaanay dadku baraha bulshada kaga falceliyeen xukunka lagu riday dhallinyaradaas darbi jiifka ah.

Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-rakuub, ayaa isagoo ka falcelinaya xukunkan

Qaar badan oo shacabka ka mid ah ayaa sheegay in dhallinyaradani u baahnaayeen daryeel iyo in lagu sameeyo dib u dejin, lagana jawaabo dalabkooda ahaa in la caawiyo, laakiin aanay wakhtigan munaasib ku ahayn xukunka iyo xabsiga la isku raaciyay.

Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-rakuub, ayaa isagoo ka falcelinaya xukunkan wuxuu bartiisa facebooku isku weydiiyay su’aashan, “Maandooriyuhu ma kolkii ay cawdeen ayuu mamnuuc ka noqday. Awalba waa kuwii gidaarrada ku cabbayee?.”

Nin kale oo dhallinyaro ah ayaa isna yidhi “Dhallinyaradan waxa ay cabashadoosu ku soo beegantahay wakhtigan ay dalka ka jirto dhaxan qaboow, waxaanay is tuseen inay wasaarada arrimaha bulshada u cabasho tagaan si looga caawiyo wax ay dhaxanta ka huwadaan, laakiin halkii laga dhagaysan lahaa, wixii la awoodana lala qaban lahaa, waxa lagu guray xabsi, markii dambena maxkamadu waxay ku xukuntay dambi ah inay wax cabsanaayeen. Dhallinyaradan waxay ahayd in daryeel loo fidiyo oo xataa dadka ganacsatada ah loo weydiiyo inay caawiyaan.” Sidaas waxa baraha bulshada ku baahiyay nin dhallinyaro reer Somaliland ah oo ka falcelinayay xukunka shalay lagu riday dhallinyaradaas darbi jiifka ah.

Qaar kale oo iyaguna bulshada ka mid ah ayaa aragtidan oo kale ka qaatay xukunka iyo xabsiga la isu raaciyay dhallinyarada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here