Ma Suurtogeli Doontaa In Maskaxda Aadamaha Lagu Xidho Kombiyuutarka Si Ay Toos Ugu Shubto Afkaarteeda

0
868

Washington (Geeska)- Ganacsade lagu magacaabo Elon Musk ayaa aasaasay shirkadda Neuralink oo soo saari doonta kaadhadh lagu beerayo maskaxda aadamaha si ay maskaxda u siiyaan jid ay ku maamuli karto kombiyuutarka iyada oo aanu qofku adeegsan gacmaha ama aalad kale.

Elon Mask oo madax ka ah shirkadaha gaadiidka ee Space X iyo Tesla iyo weliba shirkado kale ayaa sheegay in kaadhkan cusub oo fikirka samayntiisu uu ku soo dhacay sannadkii hore 2016-kii, uu yahay kaadh kombiyuutarka ay is akhriyi karaan, oo la gelinayo dahaadhka sare ee maskaxda dusheeda, waxa aanu awood u yeelanayaa in uu isku xidho maskaxda iyo kombiyuutarka.

Musk oo u dhashay dalka Koonfur Afrika, isla markaana haysta jinsiyadaha dalalka Kanada iyo Maraykanka ayaa sheegay in kaadhkan oo uu u bixiyey Xadhiga neerfaha ah ‘Neural Lace’ uu fududaynayo in maskaxda aadamuhu aanay ka dib dhicin fahamka isbedellada iyo horumarka xawliga ah ee ku socda ee garaadka-samayska ay ee tiknoolajiyadda.

Musk waxa uu aaminsan yahay in kaadhkan maskaxda lagu rakibayaa uu sidoo kale kaalin ka qaadan doono wanaajinta shaqada maskaxda, ama xitaa maalin uun la gaadhi doono in looga faa’idaysto in fikirka maskaxda ku jira lagu shubo kambiyuutarka ama xogta kombiyuutarka lagu soo raro maskaxda, waxa kale oo uu filayaa in mustaqbalka dhow ay aaladdan cusubi gacan ka geysan doonto daweynta xanuunnada maskaxda ku dhaca, sida suuxdinta, cudurka unugyada maskaxda dila ee Parkinson iyo xanuunnada nafsiga ah.

Bishii Toddobaad ee sannadkii 2016-ka ayaa uu Musk si rasmi ah u diiwaangeliyey shirkaddiisa Neuralink oo gobalka California ee dalka Maraykanka looga diiwaangeliyey shirkad ka shaqaysa cilmibaadhista caafimaadka.

Dhinaca kalana bogga Business Insider oo faafiyey warkan uu Geeska Afrika turjumay ayaa sheegay in shirkadda Facebook ay lafteeduna waddo soo saarista farsamo aad ugu dhow tan hadda aynu hadal hayno, oo suurtogelinaysa in la isku xidho maskaxda aadamaha iyo kombiyuutarka. Sida oo kale, cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadaha California iyo Duke ee dalka Maraykanka ayaa ku hawlan samaynta farsamo maskaxda iyo kombiyuutarka isku xidhaysa oo la doonayo in dadka qaba cudurka Faaligga uu u suurtogeliya in ay mar labaad socon karaan.