Ma Run Baa Inuu Mujaahid Axmed Mire Ka Cudur Daartay Inuu La Kulmo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi?

0
3688

Hargeysa(Geeska)-Warar soo baxay oo aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya inaan lagu guulaysan kulan la doonayay in la isugu geeyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Mujaahid Axmed Mire Maxamed.

Wararkan ayaa waxay sheegayaan inay Mujaahid Axmed Mire u tageen qaar ka mid ah saraakiishii SNM oo ka dalbaday inuu kulan la yeesho Madaxweyne Biixi, waxaana la sheegay in Mujaahid Axmed Mire ka cudur daartay kulankaas. Lama oga sababta uu mujaahid Axmed Mire ku saleeyay cudur daarkiisa iyo inuu mar dambe la kulmi doon madaxweynaha.

Dedaalkan la doonayay in lagu kulansiiyo labada mujaahid ayaa la sheegay inuu socday maalmihii uu Madaxweyne Biixi la kulmay siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa). Waxaana la sheegay in Madaxweyne Biixi uu doonayay inuu sidoo kale isna la kulmo Mujaahid Axmed Mire, isagoo ka jawaabaya baaqyo loo jeediyay oo nuxurkoodu ahaa in dadka la isu soo dhaweeyo.

Mujaahid Axmed Mire oo dhawaan dalka ku soo laabtay ayaa ka qayb galay shirkii Beelaha Garxajis ee Buurta Gacan Libaax.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here