Ma Run Baa Inay Madaxtooyada Iyo Cali Xoor-xoor Ku Sii Kala Foganayaan Heshiiska Dekedda Berbera

0
663

Hargeysa(Geeska)-Madaxtooyada Somaliland iyo ninka awoodda badan ee ah maareeyaha dekedda Berbera Eng. Cali Xoor-xoor, ayay warar soo baxayaa sheegayaan inuu u dhexeeyo kala fogaansho aragtiyeed oo salka ku haya heshiiska dekedda Berbera.

dddddd

Inkastoo aanu jirin war rasmi ahi, haddana warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya inuu jiro shaki ay madaxtooyadu ka qabto Eng. Xoor-xoor oo ah inuu qayb ka yahay xoogaga ka soo horjeeda hirgelinta heshiiska dekedda Berbera. Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in madaxtooyadu saddexdii caano maal ee u dambeeyay ay  weyday meel ay xidhiidh kala samayso maareeye Xoor-xoor oo la sheegay inuu xidhay telefoonadiisa gacanta, taas oo sii xoojiyay shakigii ay madaxtooyadu qabtay.

Masuuliyiin reer Saaxil ah oo ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa dedaal ugu jira sidii ay madaxtooyada ugu qancin lahaayeen in xilka laga qaado Eng. Xoor-xoor, laakiin talaabadan ayaa siyaasiyan ah mid ku adag madaxtooyada, marka la eego awoodda Cali Xoor-xoor uu ku leeyahay bulshada Saaxil oo dhawrkii bilood ee u dambeeyay aad u sii korodhay iyo weliba hirgelinta heshiiska dekedda Berbera iyo DP world.

Cali Xoor-xoor, ayaa la sheegayaa inaanay weli udub dhexaadka madaxtooyadu ku qancin in xilka laga qaado, waxase ay taas bedelkeed ku talinayaan in la isku dayo sidii maareeyahan loo qancin lahaa, maadaama oo madaxtooyadu ku jirto xilli xaasaasi ah.

Cali Xoor-xoor oo inta badan iskaga dhex goosha Hargeysa iyo Berbera, ayaa ah ninka keliya ee sida aadka ah u fahansan heshiiska DP world islamarkaana haya xogta rasmiga ah ee dekedda Berbera, waxaana inta la ogyahay uu saxaafadda ka sheegay inuu taageersanyahay heshiiska dekedda Berbera oo uu qayb ka yahay, inkastoo bartii uu saxeexi lahaa uu saxeexay wasiirka arimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire oo ay isku gobal ka soo jeedaan.

Afhayeenka Madaxtooyada Mr. Shamax oo uu Geeska Afrika la xidhiidhay si uu wararkan wax uga weydiiyo, ayaa wuxuu si kooban u sheegay inaanay jirin wax shido ah oo ka dhex jirta madaxtooyada iyo maareeyaha dekedda Berbera “Wax isku dhaca ma ogi anigu, mana maqal mana arag.” Ayuu si kooban u yidhi afhayeenku.

Maareeye Cali Xoor-xoor oo uu Geeska Afrika isna isku dayay inuu la xidhiidho ayaanay noo suurtogelin.