Ma Run Baa Inay Maayarada Berbera Iyo Gabiley Ka Mid Noqonayaan Golaha Wasiirada?

0
626

Hageysa(Geeska)-Waxa soo baxaya warar aad u xoog badan oo sheegaya suurtogalnimada inay golaha wasiirada Madaxweyne Siilaanyo ku biiraan labada maayar ee Berbera iyo Gabiley Md. Cabdishakuud Maxamuu Cidin iyo Md. Maxamed-aamiin Cumar Cabdi.

Wararkan ayaa soo baxaya iyadoo aanay weli dhinac u dhicin dacwadda uu xisbiga UCID ku oogay labadan maayar oo uu ku eedeeyay inay jabiyeen xeer 14, ka dib markii ay KULMIYE ku biireen iyagoo ka soo baxay xisbiga UCID. Dacwadan oo hadda maraysa meel xaasaasi ah, ayaa waxa soo baxaya inay yeelanayso weji.

Warar soo baxaya oo aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in laga yaabo in labadan maayar lagu daro isku shaandhaynta la wada sugayo oo ay ka mid noqon doonaan golaha wasiirada madaxweyne Silaanyo, iyadoo markaas ay kuraastoodii buuxin doonaan xildhibaanadii ugu soo xigay oo ah mudanayaasha kursi sugayaasha ah ee uu xisbiga UCID gudbiyay.

Maayarada Berbera iyo Gabiley oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo jiritaanka warkan ah inay ka mid noqon doonaan golaha wasiirada madaxweyne Siilaanyo, ayaanay noo suurtogelin.

Hase yeeshee, haddii ay dhacdo inay noqdaan xubno wasiiro ah waxa ay guul u noqon doontaa guddoomiyaha xisbiga UCID oo markii labaad dhawr bilood gudahood ku guulaysanaya  dacwad ku saabsan xisbiga UCID.

Xisbiga KULMIYE ayaa hore u cambareeyay dacwadda uu xisbiga UCID ka gudbiyay maayaradan oo uu ku sheegay inaanay sharci ahayn.