Ma Og Tahay In Inanta Boqorka Sucuudigu Aanay U Dhaqmin Sida Ay Boqortooyadu Dumarka Dalka Ka Rabto

0
1076

Picture2Riyaad (Geeska)- Qof kasta oo ku dhaqan meel ka baxsan dalka Sucuudigu, marka uu maqlo nidaamka maamul ee dalkaas oo ay shareecada Islaamka ee wanaagsani sees u tahay, tusaale ahaan dumarkana laga rabo in ay buuxiyaan shuruudaha Islaamku u dhigay labbiska iyo safarka iwm, waxa uu sawiranayaa in qoyska haya talada dalkaasi ay yihiin kuwo aad u dhowrsoon oo dumarkoodu sida muwaaidniinta qaataan xijaab, iyo indho-shareer, waxa ay la tahay in qoyska boqortooyadu uu dhowrayo nidaamka uu dalka ku xukumayo ee shareecada oo dumarku aanay ragga dhex gelin, laakiin sidaas ma’aha.

Ha la yaabin sawirkan ka muuqda qormadan oo ah muuqaalka gabadh uu dhalay boqorka hadda ka taliya dalka Sucuudiga, boqor Cabdalla Bin Cabdalcasiis, waa gabadh quruxdeeda muujisa, qaab aad u casriya u labbista, wax dhib ahna aan u arkayn in ay dibadda u baxdo iyada oo xidhan masar timaheedu si badheedh ah uga muuqdaan hareeraha. Waa Cadlah Bin Cabdullaahi Bin Cabdalcasiis Aala-Sacuud, waa gabadh u dhaqanta sida reer galbeedka, waxa ay ku baaqdaa oo ay warbaahinta si badheedh ah iyada oo dalka gudihiisa joogta uga sheegtaa aragtideeda ah in dumarka la siiyo xorriyad, waxa ay aaminsan tahay in indho shareerku uu yahay dhaqan ee aanu diin ahayn, xijaabka uu islaamku ka rabaana uu yahay masar ay madaxa saarto.

Cadlah waxa ay la fadhiisatay oo ay waraysi siisay war-fidiyeen u dhashay dalka Faransiiska oo ka socda wargeyska Le Figaro, waxa aanay si dhiirran uga hadashay mawduucyo dalkaas xasaasi ka ah oo ay ka mid yihiin xijaabka, Guurka, in gabadhu shaqayso iyo xorriyadda isticmaalka bar-kulannada bulshada ee internet ka. Cadlah waxa ay ka qayb gashaa soo dhoweynta waftiyada shisheeye ee dalkeeda soo booqda, oo ay si caadiya u gacan qaaddaa ajaanibka ragga ah, waxa ay ka qayb gashaashaa goobaha ciyaaraha la isugu yimaaddo, waxaana jira tobanaan sawir oo la baahiyey iyada oo la sawiran dumar iyo rag dhalinyaro ah oo aan qoyskeeda ahayn.

Cadlah si ka soo hor jeedda shareecada dalkeeda lagaga dhaqmo waxa ay ku dooddaa in guurka dumarka 15 jir ka yari uu yahay dhibaato bulsho oo u baahan in wax laga qabto, waxa aanay ku baaqdaa in dowladdu ay mamnuucdo, waxa ay ku dooddaa in aanay wax dhibaato ah ama dembi ahayn in rag iyo dumar meel ka wada shaqeeyaan ama is hareer fadhiistaan.