Ma Geyaan Qoriga iyo Rasaasta nool! Mustafa A. Nuur, London

Published on Apr 20 2014 // Maqaalo

New ImageAqoonta iyo waxbarashadu waa awoodda dhaqaaji sahorumarka, waa xuddunta iyo halbowllaha horumarka.Waxbarashada waxaa ku xidhan shaqo abuurista iyo dhaqaallaha ka soo bilaab ma qof ee socda ilaa iyo qaran, jaamacaddaha iyo waxbarashada sare waa ubucda dhaqaalluhu ka duulo. Dheefta waxbarashada sare iyo jaamacaduhu ma aha uun doorka ay horumarka ku leeyihiin, mana aha uun tababarka ay shaqsiyaad helayaan: waxay se lagama maarmaan u yihiin  xallinta mashkilladaha kala duwan ee bulshada.  Jiritaan ka jaamacaddaha waxa kasoo unkama labada tiir ee ugu waaweyn horumarka: hindisaha shay cusub ama feker cusub iyo dhaqaajinta feker kaasi cusub (invention and labour market force). Waxaa markhaati cad innooga noqonnaya doorka ay jaamacaduhu ku leeyihiin isbedellada horumarka dunida ka dhacaya ama hore uga dhacay ba odaygii la odhanjiray James Watt kolkii uu jaamacadda Glasgow ka tirsanaa sannadii 1776 waa kii maalin kaga dhawaaqay jaamacaddaasi in uu ku guulaystay mishiinkii ugu horeeyay dunida. Mishiinkaasi waxa uu noqday sees kii uu ka billaabmay dhammaan kacaankii warsashaddaha iyo tiknoolajiyada. Waxa maanta mishiin dunnida ka guuxaya, noocuu doono ha noqdee waxa uu ka soo billaabmay jaamacadda Glasgow sannadkaasi aan kor ku sheegay.

Jaamacadduhu waxay ku mutaysannayaan amaan ta waxa ay bulshadooda u qaban karaan ama ay tahay ba in ay u qabtaan. Inta aannan dulluc da qoraalkan u gelin waxaan xusi lahaa in Jaamacadda Hargeysi aannay nasiib u yeelan in ay yeellato urur middeeya dhammaan arddayda jaamacadda oodhan.Nasiibdarridaasina waxaa lagu muransan yahay  in ay lug weyn ku lahaayeen ama ku leeyihiin ba xukuummadaha waddan ka Somaliland soomaray ama ka jiraba. 

Iyada oo ay sidaatahay, maantana warka jaamacaddii Hargeysa ka sooyeedhayaa waa war laga xumaaddo.  Waxaa warbaahinta la iska arko ka muuqday ardday faro badan oo la sheegay in ay ka gadoodsanaayeen lacag inta ay doonto ha leegaatee lagu kordhiyay Jaamacadda Hargeysa.  Ummuurtanni waxay u muuqataa in aan loo marin waddo ilbaxnimo, islamarkaa aan lagu sallayn dhexdhexaadnimo aasaas looga dhigay duruufta iyo waayaha arddayda ay saamaynnayso lacag kordhintaasi. Kolkaa haddii ay arrintu sidaa u dhacday arddayda dibad baxa sameeyay miyaannay ra'yigooda cabbirikarin? Askariga qoriga la ordaya ee rasaasta gadh ka u geliyay arddaydu xaguu ka yimi, arrin tan muxuu ku kordhin karayaa, ama muxuu yeelikarayaa? Wasaaradda waxbarashadu miyay wayday miciin dhaamma askariga rasaasta ku furaya ubaxii waddan ka?

 

Gadood ka maxaa keenay, maxay arddaydu u aqballi wayday lacagta lagu kordhiyay fiiggii ay bixinjireen? Ma isyeelyeel baa?,maya ee ma aha, saw kuwa intakabadan ba bixiya, ee sannadkasta iyo bilkasta ba bixiya.

 

Kolkii maamul ka wasaaradda waxbarashada, ama wasiiradda wax laga wayddiiyay falcelintaasi arddayda ee lacagta la kordhiyay waxa ay wasiiraddu ka bixisay jawaab aan meesha qabannayn. Jawaab u muuqatay mid dhinaca kordhinta lacagta uun difaacaysay, dhalliil xoogleh na u jeedinnaysay arddayda duruufta iyo waayuhu hayo ee ka gadooday lacagtaasi. Haweennayda madaxa ka ah wasaaradda iyo agaasimaheedu kolkii ay ka jawaabayeen waxa ay is garabdhig ku sameeyeen jaamacaddaha gaarka loo leeyahay iyo Jaamacadda Hargeysa ee aan dhan ay ku tirsan tahay  lagaranayn! Iyada oo lagu xuso miisaaniyadda waddan ka in waxooggay lacag ah loogu daro Jaamacadda Hareysa haddana, ardaydu waxay bixiyaan dhammaan fiigga iyo buugta ama waraaqaha ay wax ka dhiggannayaan. Isgarab dhig lagu sameeyo Jaamacadda Hareysa iyo jaamacaddaha kale ee gaarka loo yeehay, xal u noqonmayso dhibaatada ragaadday ee Jaamacadda Hargeysa taalla. Masuulliyiinta wasaarradu markan ay ku celcellinayaan jaamacaddaha kale intan iyo intaasay ka qaadaan aradayda, ma waxay u jeedaan qiimaha jaamacaddaha kale uun ku dayda mise aqoon iyo baahi kale ayaa keentay in fiigga la kordhiyo? Haddii ujeeddo kale oo qorshaysanni ay jirto ha hortagaan arddaydooda oo ha u sharxaan iyaga oo isha ku haya waxa ay ku darayaan iyo duruufta ardday da ba. Garnaqsigii masuulliyiin ta wasaarraddu waxa uu ahaa mid caaddifadi ka buuxdo oo aan door kii xallin ta khillaafaad ka ee hoggaamiye laga fillan lahaa ka madhan.

Xukuumadda waxaa waajib ku ah in aannay goor walba dhiigga shacab ka in ay daadiso ku degdegin, xadhiga iyo cago juglayntana ay ka korto. Ardday da jaamacaddahana waxa ku waajib ah in ay aqoontooda kor uqaadaan, oo xukuummada ku san-dulleeyaan in ay kor uqaado oo tayayso tacliinta sare, si ay manaafacaad u yeeshaan.

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!