Ma Dhici Kartaa In Dhulka Uu Dib Isugu Wada Dhego Oo Uu Noqdo Gobal Keliya Oo Berriga Isaga Wada Xidhan

Published on Aug 09 2016 // Columnists, Googooska Geeska

London (Geeska)- Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa baahiyey war sheegaya in meeraha aynu ku noolnahay ee dhulka oo imika u qaybsama qaarado berry ah oo bado kala jar-jareen uu mustaqbalka dib isugu wada dhegi doono oo waslad weyn oo dhul ah oo isku wada yaalla uu noqon doono.

wwwwww

Waxa ay saynisyahannadu aaminsan yihiin in Malaayiin sano ka hor uu dhulku ahaan jiray gobal weyn oo isku wada dheggen oo aanay sida hadda biyo qaybin, sida ay hadda sheegayaanna mar labaad ayaa uu dib ugu noqon doonaa sidaas uu ahaa. Calaamadaha arrintaa muujinayana waxaa ka mid ah dalka Ustareeliya oo iskii qaarad ahaan loo xisaabiyo oo la arkay in dhinaca qaaradda Eeshiya u siqayo, halka woqooyi Afrika laga dareemay in uu isaguna si yar ugu sii siqayo dhinaca qaaradda Yurub, taas oo macnaheedu yahay in badda u dhexeysa Afrika iyo Yurub ay meesha ka baxayso.

Warkan uu Geeska Afrika soo turjumay waxa uu Wargeysku ku sheegay in sannadkan sannad guurada Kontonaad ee xuska sannad kasta loo sameeyo waxyaabaha cilmiga ku cusub ee qarnigii labaatanaad la ogaaday, ay sannadkan ku beegmayso iyada oo la ogaaday in dhulka aynu ku dul noolnahay uu dhaqaaqayo, oo si aynaan dareemayn uu dhinac ugu guurayo, iyo in qaaradaha aynu ku dul dhaqannahay ay dhinac u durkayaan.

Aratiyaha cilmiga dhulka ayaa tilmaamaya in isku dheggii dhulka ee ugu weynaa uguna dambeeyey uu ahaa 250 Milyan oo sano ka hor, dhulka oo xilligaas isku wada dhegey ayaa waxa uu waslad keliya oo isku wada taalla sii ahaa muddo 50 Milyan oo sano ah, kadib waxa uu bilaabay in uu mar kale furfurmo, kadib markii dildillaac dhulka ku yimid uu si xoog badan gaar ugu dhuftay qaaradda Ameerika, dhinaca kalana uu qaaradda Afrika dhinaceeda woqooyi uu ka fujiyey Yurub, haddana mar dambe ay gaar u go’een cidhifyada dhulku, kadibna dillaacii dhinaca Atlantika xigay ayaa u go’ay dhinaca woqooyi, waxa aana la hadhay dhulkii ay ku fadhiyeen Yurub iyo Eeshiya.

Haddaba aragtida cilmi ee cusub ayaa sheegaysa in qaaradahaas xilligaas kala wada go’ay, ay hadda bilaabeen in ay isku soo dhowaadaan, tusaale ahaan woqooyigii Afrika ayaa ku soo siqaya Yurub oo marka horeba dhacda meel aan ka fogeyn oo ah tallowga kale ee badda dhexe, waxa aanu saadaalinayaa in tobanka Milyan ee soo socda gudahooda in xeebaha hadda ee Yurub iyo woqooyiga Ameerika u dhexeeyaa isu beddeli doonaan silsilad buuro barafleya ah, dhinaca kalana dalka Ustareeliya ayaa dhaqaaq ka badan ka ay qaaradaha kale ku socdaan ugu siqaya dhinaca dhinaca Eeshiya waxa aana durba la dareemayaa in ay ku jihaysan tahay dalka New Guinea iyo gobalka Arakhbiil (Archipelago) ee dalka Indooneesiya uu dhulka Ustareeliya u sii xaadhi doono dhinaca qaaradda Eeshiya oo ay ku wada dhegi doonaan. Aragtidan cusubi waxa ay qiyaasaysaa in muddo 2 boool oo Milyan oo sano kadib ah la filayo in dhulku uu mar kale isu beddeli doono hal qaarad. gobal oo dhammaantii isku wada dheggen, kaas oo ay saynisyahannadu ku sii magacaabeenba Pangaea Ultima.

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!