Ma Dhabaa Inay Madaxtooyadu Shaqadii Ka Joojisay Badhasaabkii Gabalka Gabiley?

0
560

Hargeysa(Geeska)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxtooyada Somaliland ay shaqadii ka joojisay badhasaabka gobalka Gabiley Md. Yuusuf Ibrahim Geedi.

Si rasmi ah looma garanayo sababta shPicture7aqo ka joojintiisa keentay, laakiin mar uu Wargeyska Geeska Afrika la xidhiidhay badhasaabka oo uu wax ka weydiiyay wararkan ayaa wuxuu ku gaabsaday “Maya ee ma jiro warkaasi.”

Hase yeeshe ka sakow hadalkiisa, wararku waxay sheegayaan in  badhasaabka shaqo ka joojintiisu ay salka ku hayso xubnihii ka tirsanaa dawladda Itoobiya ee dhawaan lagu xidhay magaalada Gabiley, kuwaas oo ay xukuumadda Somaliland raaligelin rasmi ah ka bixisay.

Badhasaabka ayaan ka dhex muuqanin kulan ay magaalada Borama ku yesheen badhasaabada dalka badankoodu, waana sababaha sii xoogaynaya wararka sheegaya in badhasaabka shaqo ka joojin lagu sameeyay.

Geesta kale waxa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo uu dhawaan isku shaandhayn ku samayn doono qaar ka mid ah badhasaabada wadanka.