Ma Dhabaa Inay Kenya iyo Yugaandha Hormuud Ka Noqon Doonaan Aqoonsiga Somaliland?

0
932

 

wada jirHargeysa(Geeska)-Dawladaha Yugaandha iyo Kenya ayaa la saadaalinayaa inay hormuud ka noqon doonaan aqoonsiga qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland. 

Shabakadda Internetka ee laga leeyahay Itoobiya ee la yidhaahdo Jimma Times, ayaa falanqayn ku samaysay hadalkii ka soo yeedhay kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya oo sheegay inay Kenya kaalin muuqata ka ciyaari doonto sidii ay Jamhauuriyadda Somaliland u heli lahayd ictiraaf caalami ah. Shabakadan oo si caalami ah loo akhristo waxay sheegtay inaanay Itoobiya noqon doonin wadanka ugu horeeya ee Somaliland aqoonsada sababo badan dartood, balse ay dalalka Kenya iyo Yugaandha noqon doonaan kuwa u horeeya ee talabadaas qaada. “Itoobiya ma noqon doonto wadanka ugu horeeya ee Afrikaan ah ee aqoonsada Somaliland.” Ayay tidhi shabakadani, waxaanay intaas raacisay, “Khubarada ayaa inta badan ku celceliya inay Kenya iyo Yugaandha noqon doonaan labada qaran ee u horeeya ee si rasmi ah Somaliland ugu aqoonsada qaran  madaxbanaan.”

Laakiin shabakadani ma sheegin kuwa ay khubaradaasi yihiin iyo weliba goobta ay hadaladan ka sheegeen, waxase ay faaladani ku soo beegmaysaa iyadoo ay dawladda Kenya dhawaan ku dhawaaqday hadal fajac ku noqday diblomaasiyiin badan.