Ma Dhabaa In Mid Ka Mid Ah Wiilashii Qadaafi Lagu Dilay Weerar Milatari?

0
770

 

ina qadaafi

Mucaaradka Liibiya ayaa sheegay in duqayn cirka ah oo ay gaysteen diyaaradaha NATO lagu dilay mid ka mida wiilasha madaxweyne Mucamar Qadaafi oo lagu magacaabo Khamis Qadaafi. Laakiin dawladda Liibiya ayaa beenisay warkaas.

Haddii warkani dhaboobo Khamis Qadaafi ayaa ahaa mid ka mida taliyayaasha cutubyada ciidamada militariga ee daacada u ah madaxweynaha lagu hayo dagaalka caalamiga ah ee dalka Liibiya Mucamar Qadaafi, waxaana warkan si toosa saxaafada ugu xaqiijiyay afhayeen u hadlay xoogaga mucaaradka, ” Duqaynta waxaa ku dhintay 32 qof oo ku sugnaa magaalada dhacda jiida dagaalka ee Zlitan, kooxdan 32-da ahna waxaa ku jiray Khamis Qadaafi”.

NATO weli ma xaqiijin warka sheegaya geerida Khamis Qadaafi, Laakiin dawladda Liibiya ayaa warkaas ku tilmaantay mid been ah oo aanay waxba ka jirin. Afhayeenka dawladda Liibiya Musa Ibrahim, ayaa sheegay in baahinta warkaasi uu yahay mid lagu daboolayo dilka uu ay isbahaysiga NATO u gaysteen carruur yar yar oo joogtay goob ay weerar ku qaadeen oo k tirsan magaalada Zlitan, “Waa war been ah. Waa khiyaamo lagu doonayo in lagu daboolo dambiga lagu galay magaalada Zlitan iyo dilka qoyska reer Al-Marabit.” Ayuu yidhi Afhayeenku.

Haddi ay run noqoto geerida Khamis, waxaa dhabarka ka jabaya ololaha aabihi Mucamar Qadaafi mudada 6-da bilood ah isaga caabinayay xoogaga mucaaradka Liibiya oo taageero ka helaya isbahaysiga NATO si uu majaraha ugu hayo  dalka Liibiya.

Sarkaalad u hadashay NATO oo ku sugan xarunta hawlgalada ee Naples ayaa sheegtay inay heshay warka sheegaya in la dilay Khamis balse aanay xaqiijin karin, “Waxba hada ma xaqiijin karno, sababtoo ah cidna dhulka nooma joogto, hase ahaate waxaan isku dayaynaa inaan helno xogta”.

Khamis wuxuu noqonaya wiilki labaad oo la sheego inuu ka dhintay madaxweyne Qadaafi tan iyo wixii ka dambeeyay markii kacdoonka looga soo horjeedo xukunka 41-sano ah ee madaxweynuhu ka bilaabmay dalka Liibiya bishii February ee sanadkan.