Ma Dhabaa In Madaxweyne Siilaanyo Mar Kale Ku Dhex Dhacayo Golihiisa Xukuumada?

0
809

siilaanyoHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la filayaa inuu isku shaandhayn, xil ka qaadis iyo magacaabis ku sameeyo golihiisa wasiirada.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo la xidhiidha isku shaandhaynta, haddana warar soo baxay ayaa sheegayaan in Madaxweynuhu doonayo inuu xukuumadiisa ku sameeyo xil ka qaadis, magacaabis iyo isku bedel taas oo la filayo inay saamayso golaha wasiirada ee ay tiradoodu kontonka baarka ka jartay. Wararka waxay intaas ku darayaan in Madaxweynuhu xilka ka qaadi doono xubno wasiiro ah oo awood ku dhex leh golihiisa, kuwaas oo ay wararku sheegayaan inuu qaarno u magacaabi doono hay’ado madaxabanaan oo horumarineed qaarna uu xilka ka qaadi doono.

Sidoo kale waxay wararku sheegayaan inay xukuumadda ku soo biiri doonaan laba xubnood oo uu mid ka mid ahi ka tirsanyahay golaha wakiilada, halka xubinta labaad uu yahay oday siyaasi ah oo dalka magac ku leh kana soo qayb qaatay halgankii SNM.

Wada hadalo Addis Ababa uga bilaabmay siyaasiyiinta Koonfurta Sudan

Magaalada Addis Ababa ee Itoobiya waxa shalay ka billawday wadahadalka u dhexeeya dhinacyada ku daagaallamaya South Sudan iyadoo weli uu socda dagaalka.

Wafdiyada ka socda madaxweyne Salva Kiir Mayardit iyo madaxweyne kuxigeenkiisi hore, Riek Machar, ayaa maanta galaya wejiga labaad ee wada hadalka. Wada hadalada ayaa shalay ku bilaabmay iyadoo loo kala dab qaadayo labada dhinac, laakiin sida uu wasiirka khaarajiga Itoobiya xalay sheegay maanta waxa la filayaa inay wada hadalo fool ka fool ahi u bilaabmaan.

Ururka goboleedka IGAD ayaa dhexdhexaadinaya labada dhinac, waxaanay doonayaan inay xal u raadiyaan sidii loo joojin lahaa coladda dalkaas ka bilaabantay bishii hore taas oo sahayatay dad badan.

Labada dhinac ayaa la doonayaa inay ku dhawaaqaan sidii xabad joojin rasmi ah loo hirgelin lahaa, ka dib saddex toddobaad oo ay dagaalo dhex marayeen.