Ma Codaynaa?

Published on Nov 04 2017 // Maqaalo

W/Q Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Nabi Maxamed soo bixiddiisu farriin xagga Alle ka timid fidinteed oo kaliya may ahayn, waxa barbar socday yagleelidda dawlad uu dhidibbada u taagay oo u madaxweyne ka noqday. Maalin Isniin ah ayuu geeriyooday, habeennimadii Arbacada waxa loo aasay si loo buuxiyo kursigii uu ka tagay.

Qori-isu-dhiib waxa noqday in kolka kursiga mid banneeeyo mid kale loo cumaamado. Shan hab-doorasho ayey galeen saxaabadu; afartii khulafa iyo dhiiggii Mucaawiye ku qabsaday ka dib, in uu kursiga u dardaarmay in uu ka dhaxlo inankiisii Yasiid:

Abu Bakar in loo doorto hoggaanka ummaddu waxa uu ka yimi kolkii ay is hor fadhiisteen Ansaartii iyo Muhaajiriintu; waa ay garnaqsaday, qolo kastaa doontay in iyaga loo daayo kursiga, kolkii dambe waxa ay isku waafaqeen Abu Bakar. Sidaa ayuu laba sannadood iyo dheeraad ummadda ugu taliyey.

Abu Bakar kolkii uu xanuunsaday haldoorkii saxaabada ayuu isugu yeedhay, waxa uu ku yidhi Cumar ayaan idinkaga tagay oo aniga ka dib idiin talin doona. Iyaga ayuu waliba waydiiyey aragtidooda, haddana isagaa magacaabay.

Ibnu Kathir kitaabkiisa Bidaaya Wal-Nihaaya waxa uu kaga warramay doorashadii Cismaan Bin Cafaan, waxa uu sheegay lix saxaabi in Cumar saaray oo u yidhi kii dabaday xukunka qabsan lahaa ha idinka soo baxo; Cismaan Bin Cafaan, Cali Bin Abi Daalib, Dalxa Bin Cubaydillah, Subayr Bin Cawaam, Sacad Bin Abi Waqaas, Cabdiraxmaan Bin Cawf iyo inankiisi Cabdillaahi oo u yidhi ragga la dooranayo kuma jiro. Saxaabadii kale Cismaan iyo Cali ayey u tanaasuleen, labadoodii ayaa ku soo hadhay kala xulashadii.

Ibnu Kathiir waxa u sheegay in lagu heshiyey in dadku kala saaraan Cismaan iyo Cali. Cabdiraxmaan Bin Cawf wuxuu u tagay dadkii, waxa aanu waydiyey Cali iyo Cismaan kii ay doorbidi lahayeen in u hoggaamiyo. Ibnu Kathiir oo doorashadaa ka hadlaya waxa u yidhi, “Ra’yigii dadka ayuu qaaday Cabdiraxmaan Bin Cawf; qof qof ayuu ugu tagay, koox kooxna waa  uu ugu tagay, hoos iyo korna waa uu u waydiiyey, dumarkii ayuu xataa waydiyey. Carruurtii wax baranaysay ayaa uu kala dooransiiyey. Reer miyigii magaalada u soo muraad yimid ayuu iyagana warsaday.” Cismaan Bin Cafaan ayaa hoggaankii Muslinka qabtay.

Kolkii Cismaan la dilay, doorasho Cali lama gelin oo waxa la yidhi isagaa aynu u dhiibno, Ansaar iyo Muhaajiriinba way isku waafaqday kolka laga yimaaddo Mucaawiya oo Shaam joogay.

Mucaawiye waxa uu kursigiisi u dardaarmay in wiilkiisa Yasiid Bin Mucaawiye ka dhaxlo. Waa markii ugu horraysay ee taariikhda Islaamka soo gasho kursi la kala dhaxlaa.

Shantaa hab ee aynu soo tirinnay waa shantii saxaabadu doorashada u martay, midna mid ma waafaqsana. Mid walba xal bay u arkayeen iyo in lagu kala badbaado, khaas ahaan kursigii Cali banneeyey in Mucaawiye loo dhiibo. Maalinkii uu go’aansaday in uu wiilkiisa dhaxalsiiyana dhib dhacda in ay ka doorteen in Yasiid u taliyo.

Muddadaa wixii ka dambaysayna waxa daba-furan noqotay nidaamkaa boqorootoyo; Ummawiyiin, Cabbaasiyiin, Faadimiyiin, Aayubiyiin, Mamaalik iyo tii u dambaysay ee Cismaaniyiinta.

Aqoonyahanka diineed ee casrigani waa ay is waydiyeen doorashadan daba-furanka ah xaalkeedu waxa uu noqonayo. Tiro culimo ah oo badhkood qardajeexeen ayaa ku tagsan xaraannimadeeda, waliba ka codeeya iyo ka loo codeeyaba diinta ka saara.

Foolaaddadii aqoonyahanku intooda u badani waa ay banneeyeen iyaga oo qayd ku xidhay. Waxa aanay uga soo dheegtaan qaacidada usuulu-fiqiga ah ee odhanaysa; laba dhib ka fudud.

Midowga caalamiga ah ee culimada Islaamku waxa ay soo saareen doorashadii Turkiga in dadku codeeyaan una codeeyaan cidda ay is leeyihiin ummadda ayey wax u tarayaan. Waxa bayaankoodu ahaa, “Codadkiinu waa ammaano, waxa idinku waajib ah in aad u codaysaan cidda sharci ahaan xaq u leh, awoodna u leh in uu xaqiijiyo wanaajinta dalka iyo dadka.” Isla fataawahaa waxa ay ku yidhaahdeen laba eray oo dhaxalgal noqday; “Waa waajib sharci ah, iyo lama-dhaafaan amminteedii taagan.” http://www.turkpress.co/node/14480

Madaxa midowga culimada Islaamka, Mufti Yuusuf Qaradaawi barnaamijka uu su’aalaha kaga jawaabo muuqbaahiyaha Aljazeera ayaa doorashada lagu waydiyey. Waxa uu yidhi, “Haddii dadka wanaagsan ee same-wadayaasha madax looga dhigo, dadka adduunyadooda iyo aakhiradooduba waa ay fiicnaataa, qof qof iyo bulsho ahaan; haddii se sharwadayaasha iyo dadka xun ama maangaabka ah madax looga dhigo, oo ay dadka hoggaamiyaan kuwa aan garashada lahayn iyo cid kasta oo ka mid ah dadka xumaha horseedda ee aan samaha ka shaqayn, shar iyo masiibo ayaa ay ummadda u soo hoynayaan.” http://www.aljazeera.net/programs/religionandlife

Muftigii hore ee Sucuudiga Sheekh Cabdicasiis Ibnu Baas ayaa la waydiiyey gelitaanka barlamaanka, waxa uu ku jawaabay, “Golaha barlamaanka gelitaankiisu wax dhib ah ma laha, haddii ujeedku yahay in la xoojiyo xaqa, xumahana aan la oggolaan, sida oo kale in kaadhka doorashada la qaataa wax dhib ah ma laha, haddii dad wanaagsan lagu dooranayo.”http://www.h-alali.net/z_open.php?id=58cdac86-b18a-11e1-912a-96bef5930046

Diinyaqaankii reer Sucuudi ee Sheekh Cusaymiin ayaa doorashadii Kuwayd la waydiiyey waxa uu yidhi, “Waa waajib in aanu dooranno qofkii khayr in uu wado aanu u aragno, haddii kuwaa la dooran waayo dadkii xumaha waday iyo qaar aan samo wadin ayaa la dooran.” https://www.youtube.com/watch?v=gDPvYLeBanU

Xadiisyahankii Sheekh Albaani oo marar badan diiddanaa doorashada iyo gelitaankeeda ayaa reer Jasaa’ir soo waydiyeen in ay codeeyaan, wuxu ku jawaabay, “Ma arko wax u diidaya shacabka Muslinkaa, haddii dadkaa sharraxan ay ku jiraan  qaar Muslimiinta xaqooda ka qaadaya, xisbiyo kala geddisan oo Muslimiin ahina jiraan, waxa aan ku talin lahaa in ay doortaan cidda ay isleeyihiin dhabbada saxdaa way u dhaw dahay.” http://majles.alukah.net/t101421/

Qaydka loo xidhay

Meertada noloshu iyadaa maalinba meel ku gaysee maanta waxa ay maraysaa in la soo ergisto qaabdoorasheedka reer galbeed. Waxa habboon in qaydkan ay culimadu dhigeen la raaco:

In aanad ugu codayn in aad naftaada wax uga doonayso (Abu Hurayra waxa uu ka wariyey Rasuulka in uu yidhi, “Saddex Ilaahay lama hadlo maalinta qiyaame, mana eego xaggooda, umana dambi dhaafo; Qof la ballamay madaxdiisa, aan kula ballamin adduunyo mooye, hadduu siiyo wuxu kula ballamay wuu u oofinayaa, haddaanu siinna u oofin maayo.” Bukhaari iyo Muslin ayaa soo saaray.

In aanad ugu codayn reernimo iyo xulafaysi gaar ah (xadiiskan aynu soo sheegnay ayaa ay culimadu u xujaystaan.)

Codayntu waxa ay xalaal ku noqonaysaa sababta aad ugu codaynaysaa in ay tahay wanaajinta dadka iyo dalka u wanaajinayo, se reernimo iyo xulafaysi kale aanu jirin, iyo nabadda la haysto in aan la waayin. Sababta ugu weyn ee loo banneeyay waxa ay tahay in lagu kala nabadgalo. Arrin kasta oo intaa ka soo horjeedda waxa ay burinaysaa daruuradii lagu fasaxay ee ahayd qaacidada usuulu-fiqigaa; l

aba dhib ka fudud.

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!