M. Ku. Xigeenkii Hore Oo Ka Hadlay Aragtidiisa Midow Dhex Mara Somaliland Iyo Soomaaliya Iyo Baaq Uu U Diray Beesha Caalamka

Waxa uu soo jeediyey in sida ugu habboon loo xalliyo khilaafka xisbiyada ee ku aaddan komishanka doorashooyinka

32
3407

Hargeysa (Geeska)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ku taliyey in mar walba qaranimada iyo jiritaanka Somaliland  meel looga soo wada jeesto, khilaaf kasta oo jirana in sida ugu haboon loo xaliyo, xilli uu jiro khilaaf iyo is fahan daro ku saabsan Komishanka Doorashada, oo ay ku kala aragti duwan yihiin Xisbiyada Qaranku.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay inay Somaliland xaq u leedahay in la aqoonsado, isaga oo Beesha Caalamka ugu baaqay inay aqoonsi buuxa siiyaan Somaliland, waxaanu hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan Ciidanka Booliska, waxaanu ugu horeyn yidhi “Somaliland waxay ku nabad iyo caano maashay waa wada tashiga, isku tanaasulka, wada jirka iyo in khilaaf walba oo dhexdeeda ah sida ugu wacan loo xaliyo, waxaana mar walba loo baahan yahay  Mucaarad iyo Muxaafidba in mar walba qarannimada iyo jiritaanka Somaliland meel looga soo wada jeesto, oo wixii Guddaheena ah inaynu dhexdeena ka xalino, wixii dibadda ahna inaynu mawqif isku mid ah ka yeelano”.

Axmed Yuusuf Yaasiin mar uu ka hadlaayey kala duwanaasha Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Somaliland waa dal leh horumar Dimuqraadiyadeed, iyo bisayl Siyaasadeed, waa dal ay dadkiisu gaadheen heer ay iyagu codkooda siiyaan hadba cidda ay u gartaan, ha noqoto Madaxweyne,ha noqoto Baarlamaan, ha noqoto Deegaan, halka ay Soomaaliya ilaa hadda aanay gaadhin heer ay dadku u coddeeyaan hadba cidda ay rabaan, qaabka Soomaaliya wax loo soo doortana weynu ognahay,markaas Soomaaliya maaddaama aynaan isku heer aynaan joogin, oo la yidhaahdo Somaliland waxay ka tirsan tahay Soomaaliya, wax na qabta maaha, wax meesha yaala oo suurtagal noqonaya maaha”.

Axmed Yuusuf Yaasiin mar uu ka hadlaayey Aqoonsiga Somaliland ayaa yidhi “Haddii aynu nahay Somaliland 1960, markii aynu Ingiriiska ka qaadanay xoriyaddii, Soomaaliya kumaynu biirin, ee weynu la midawnay, laba dal oo midaway ayeynu noqonay, inagoo markaas raadinayna shantii Soomaalida oo mid ah, balse taasi suurtagal wey noqon weyday, cadaadis badan, dulmi badan, xasuuq iyo hagardaamooyin badan oo dadkeena iyo dalkeena lagu hayey kadib ayeynu halgan dheer oo aynu galnay ayeynu xoriyadii aynu iska luminay aynu dib ula soo laabanay, Beesha Caalamkuna mar haddii ay xogogaal u yihiin inay Somaliland iyo Soomaaliya kala madax banaanaayeen, isla markaana aanay suurtagal ahayn inay dib iskugu soo laabtaan, ee waa inay Beesha Caalamku aqoonsi buuxda ina siiyaan, oo aanay ina daba wadin Soomaaliya, oo aanay suurtagal ahayn in aanu dib iskugu biirno”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mar uu Ciidanka Booliska hambalyo u diraayey ayaa yidhi “Waxaan guud ahana hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ciidanka Booliska Somaliland, waxaana ku bogaadinaya munaasibadooda, xuskooda aasaaska ee 25aad, waxaana mar walba idin leeyahay guulaysta, oo waajibaadkiina iyo xilka aad umadda u haysaan ALLE ha idinku asturo, oo dadaalka iyo waajibka idin saaran halkaas ka sii wada, Shacabkana waxaan leeyahay waa inaad mar walba ixtiraam iyo tixigelin u muujisaan guud ahaan Ciidamada kala duwan ee dalka, madaama ay yihiin kuwa mar walba hiil iyo hooba idinla garab taagan, oo heegan idiin ah”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here