Loollanka Xidhiidhada Soomaaliya, Ujeedada Safarka Farmaajo Ee Sucuudiga Iyo Saamaynta Saldhigga Milateri Ee Berbera

0
558

Riyaad (Geeska)- Wargeyska caanka ah Al-Akhbaar Al-Lubnaaniya oo ka soo baxa dalka Lubnaan ayaa warbixin uu ka diyaariyey safarka uu madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo ku tegey dalka Sucuudiga waxa uu kaga warramay ujeedooyinka safarkaasi daarran yahay iyo guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee hadda ka jirta Soomaaliya, warbixintaas oo uu Geeska Afrika soo koobay waxa uu wargeysku ku bilaabay, “Saacado yar uun ka dib markii xilka loo caleemo-saaray ayaa uu madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Maxamed Cabdiallaahi Farmaajo booqasho ku tegey Riyaad, taas oo ah farriin cad u ahayd quwadaha gobalka iyo kuwa dunidaba ee ku loollamayey in ay awooddooda ku fidiyaan dalka” waxa uu wargeysku intaas ku sii daray in Farmaajo oo ah madaxweynihii Sagaalaad ee soo mara Soomaaliya tan iyo markii uu dalku xorriyadda qaatay sannadkii 1960-kii, uu safarkiisa Sucuudiga ku soo gabagabeeyey gudashada Cimrada.

Wargeyska oo ka warramaya kulamada uu Madaxweyne Farmaajo ku qaatay Sucuudiga ayaa sheegay in uu marka koowaad hadallo rasmi ah la yeeshay boqorka dalka Sucuudiga Salmaan Bin Cabdalcasiis, kadibna waxa uu kulan wada jir ah la yeeshay wasiirka difaaca dalka Sucuudiga oo ah dhaxal-sugaha labaad ee Maxamed Bin Salmaan iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Sucuudiga Caadil Al-Jubayri.

Sucuudigu ma’aha dalka keliya ee dadaalka ugu jira in uu Soomaaliya safkiisa ku soo daro, sababtuna waa muhiimadda Istaraatijiga ah ee gobalka ay ku taallo Soomaaliya oo lagu tiriyo boqcadda ugu muhiimsan, marka la eego xaaladaha hadda ee gobalka guud ahaan ka jira, gaar ahaan Badda Cas iyo marin biyoodka Baab Al-Mandab.

Marka laga tago farogelinta ay dalalka deriska la’ ah Soomaaliya, gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya ku lahaayeen doorashadii u dambaysay, waxaa iyaduna si cad u muuqata sida ay dalalka Carabta iyo kuwo kale oo gobalka ah oo ay ugu horreeyaan Imaaraadka iyo Turkigu faraha ugula jireen doorashadaas.

Wargeyska Hartz ee ka soo baxa Israa’iil ayaa isaguna faallo uu ka qoray doorashada Soomaaliya waxa uu ku sheegay in dalal ay ka mid yihiin Turkiga, Suudaan, Imaaraadka iyo Qatar, ay lacago badan ku bixiyeen murashaxiin ay taageersan yihiin oo doorashada ka qaybgalayey, si ay mustaqbalka ugu yeeshaan saamayn u suurtogelisa danahooda.

Warkaas waxaa isaguna caddeeyey wargeyska New York Times ee ka soo baxa carriga Maraykanka, kaas oo warbixin uu ka diyaariyey doorashada Soomaaliya ku yidhi, “Hawsha doorashada waxaa ku soo burqatay lacag ka badan 20 Milyan oo doolarka Maraykanka ah, lacagtaas oo gacaniba gacan u dhiibtay, ayaa gaadhay in ugu yaraan 10 ka mid ah hoggaamiyeyaasha beeluhu ay qirteen in ay bixiyeen ama qaateen lacago laaluush ah”

Imaaraadka ayaa isaga la sheegay in uu dadaal aad u badan geliyey in uu saamayn ku yeesho doorashada isaga oo daaha dabadiisa cadaadis ka soo saarayey mid ama laba ka mid ah murashaxiinta. Waxa aan isagana meesha laga saari karin dalak Turkiga oo heshiis laba geesood ah oo dhinaca ammaanka, gargaarka bani’aadamnimada iyo horumarinta kula jiray xukuumadda Soomaaliya.

Waxa ay warbixintu si gaar ah hoosta uga xariiqday in uu jiray loollan adag oo si gaar ah ugu dhexeeyey Abu Dhabi iyo Ankara, iyada oo mid kastaa doonaysa in ay awooddeeda ku fidiso dalkan leh xeebta Afrika ugu dheer ee dhinaca Badweynta Hindiya, oo dhererkeedu gaadhayo 2,720 kiiloomitir.

Waxaa xusid mudan in booqashada Farmaajo ee Sucuudigu ay ku soo beegmayso xilli uu madow soo dhex galay xidhiidhkii adkaa aad kana u qotada dheeraa ee ka dhexeeyey Soomaaliya iyo Abu Dhabi, kadib markii Imaaraadku uu go’aansaday in uu saldhig milateri ka samaysto Jamhuuriyadda Somaliland, oo hore ugu dhawaaqday in ay ka goosatay Soomaaliya inteeda kale, arrintaas oo Muqdisho ku riixday in ay Abu Dhabi ku eedayso in ay jebisay xeerarkii caalamiga ahaa.