Loolanka Shirguddoonka Golaha Wakiilada Oo Maanta La Filaayo In Lagu Kala Calaf Qaado

0
746

Hargeysa(Geeska)-Loolanka ba’an ee loogu jiro hanashada kursiga guddoomiye xigeenka wakiilada ee uu baneeyay Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa maraya saacadihii u dambeeyay waxaana la filayaa in maanta barqada lagu kala calaf qaado.

Ragga sida adag ugu baratamaya jagadaas waxa u dambeeyay oo shalay dalka ku soo noqday Md. Bashe Maxamed Faarax, oo ahaa ku xigeenka labaad ee shirguddoonka, kaas oo is casilay si uu kursigan uu Wasiir Samaale baneeyay ugu baratamo.

Fadhiga maanta ee golaha wakiilada, ayaa la filayaa in lagu soo bandhigo cod u qaadis loo sameeyo murashixiinta kursigaas ku loolamaysa oo la sheegay inay hadda isugu soo hadheen Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Md. Ibrahim Axmed Raygal, waxaana  labadan murashax guuxooda iyo taageero raadiskooda si weyn looga dareemayay caasimadda Hargeysa. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo udub dhexaad u ah loolanka kursiga uu Md. Samaale baneeyay ayaa waxa xalay iyo habeen horeba uu qaabilay laba dhinac oo ka kala socda labadaas murashax. Ragga kale ee la sheegay inay u ordayaan kursiga labaad ee shirguddoonka oo uu Md. Baashe baneeyay, waxa la sheegay inuu ka mid yahay Md. Cali Yuusuf Axmed, oo la sheegay inaanu jirin loolan adag oo ilaa hadda ka hor imanayaa.