Loolanka Madaxweyne Siilaanyo Iyo Muuse Biixi Oo Ka Bilaabmay Xulashada Ergooyinka KULMIYE Iyo Madaxtooyada Oo Doonaysa Inay Saamayn Ku Yeelato Xulistooda

0
653

Picture6Hargeysa(Geeska)-Ka dib markii uu guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, iclaamiyay inuu Madaxweyne Siilaanyo kula tartami doono murahaxnimada xisbiga KULMIYE, ayaa waxa bilaabmay loolan lagu kala jiidanayo xulashada xubnaha ka mid noqonaya golaha dhexe ee KULMIYE.

Maadaama oo ay golaha dhexe noqon doonaan cidda kala saari doonta Madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa la dareemayaa inay madaxtooyada Somaliland oo ku baraarugtay dhawaaqa murashaxnimo ee Muuse Biixi ay olole xoog badan ku qaaday liisaska ay beeluhu u diyaariyeen inay ka mid noqdaan golaha dhexe ee KULMIYE, iyadoo ku samaynaysa baadhis iyo hubin ka hor intaanay gudbin, waxaana soo baxaya warar sheegaya in la bedelay qaar ka mid ah liisaskii ay beeluhu u diyaariyeen inay u metelaan golaha dhexe ee KULMIYE, iyadoo madaxtooyada Somaliland doonaysaa inay saamayn badan ku yeelato xulista ergooyinka.

Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo nidaam ahaan leh ansixinta xubnaha ay beeluhu soo xushaan marka liiskooda loo soo gudbiyo ayaa isna dhinaciisa dedaal ugu jira inuu gacan weyn ku yeesho soo xulista xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo ah kuwa hadhow kala saaraya murashaxiinta hungurigu ka hayo ka qayb galka doorashada madaxtooyada.

In kasta oo aanu weli loollanku si muuqata u bilaaban haddana sida muuqata sida ay labada hoggaamiye ugu kala awood bataan soo xulidda xubnahan ayaa noqon doonta dhibicda guushu hadhow ku kala raacayso haddii ay dhacdo in ay xisbiga dhexdiisa ku soo tartamaan, sidoo kale waxa ay tani bilow u noqon kartaa khilaaf kale oo la kowsada dhismaha golaha dhexe.

Geesta kale, waxa soo baxaya warar sheegaya inay xukuumadu olole ugu jirto inay bedesho guddoomiyaha Golaha dhexe ee KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), oo inkastoo uu kursigiisu ku jiray heshiiskii la gaadhay ee dhigayay inaan hoggaanka xisbiga la bedelin, haddana ay suurtogal tahay in tartanka Muuse iyo Madaxweyne Siilaanyo uu sahaydo