Loolan Salka Ku Haya Kursiga Raysalwasaaraha Somaliya Oo Culays Saaray Madaxweyne Farmaajo

0
560

Muqdisho(Geeska)-Waxa magaalada Muqdisho ka bilaabmay loolan iyo baratan loogu jiro kursiga raysalwasaaraha Somaliya, taas oo noqotay caqabad soo waajahday Madaxweyne Farmaajo sidii uu ku xulan lahaa.

Madaxweyne Farmaajo oo qabiil ahaan ka soo jeedo Daarood, ayaa waxa ay qasab ku tahay inuu Raysalwasaare u magacaabo qabiilada kale, gaar ahaan Hawiye oo ah cidda ugu badan magaalada Muqdisho ee caasimadda u ah dalka Somaliya.

Beesha Hawiye, ayaa waxa iyagana dhexdooda ka jira loolan adag, waxaana baratamaya siyaasiyiin ka soo kala jeeda labada beelood ee ugu badan Hawiye oo kala ah Abgaal iyo Habar-gidir. Beesha Habar-gidir oo cod siisay Madaxweyne Farmaajo, ayaa aaminsan inay iyagu leeyihiin jagada raysalwasaaraha, maadaama oo ay Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo ka soo jeeda Abgaal ay 8 sannadood soo ahaayeen madaxweyne.

Ragga ka soo jeeda Beesha Habar-gidir ee kursigan loolanka ugu jira ayaa waxa ugu cad cad Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, iyo Cabdinaasir Cabdule Maxamed oo labaduba ka mid ahaa murashixiintii la baratamayay Farmaajo balse aan helin codad macno leh.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda Abgaal ee iyaguna kursigan tartanka ugu jira ayaa waxa ka mid ah Cali Maxamed Geedi oo Cabdilaahi Yuusuf u noqday raysalwasaare, Xasan Muungaab oo noqday badhasaabka gobalka Banaadir iyo Cabdiraxmaan Cismaan Yarisow oo isna xilal ka soo qabtay dawladii Sheekh Shariif.

Arrimahan iyo loolankan u dhexeeya labadan beelood ee Hawiye, ayaa caqabad ku noqon doona Madaxweyne Farmaajo xulashadiisa raysalwasaaraha, waxaana la eegayaa sida uu Madaxweyne Farmaajo uga gudbo caqabadan koowaad oo u noqon doonta imtixaan siyaasadeed.