Liverpool Oo Warbixin Caafimaad Oo Rasmi Ah Ka Soo Saartay Xaalada Dhaawicii Difaaca Layaabka Dhigayay Ee Joe Gomez

2
3854

Kooxda Liverpool ayaa warbixin caafimaad oo rasmi ah ka soo saartay xaalada dhiicii difaaca kooxdeeda looga dhex qaaday kulankii Burnley ee Premier League. Joe Gomez ayaa laga dhex qaaday kulankii xalay ee ay Reds guusha ka soo gaadhay Burnley laakiin warka ka soo baxay Reds ayaan ahayn mid farxad galinaya jamaahiirta Liverpool.Gomez ayaa bandhig layaableh xili ciyaareedkan ka soo dhigay Liverpool isaga oo waliba awood buuxda u yeeshay in uu kawada ciyaaro difaaca dhexe iyo difaaca midig midba kulanka loo soo doorto laakiin hadda waqti xaasaasi ah waxay Liverpool wayday adeegii Gomez.Liverpool ayaa ku dhawaaqday in Joe Gomez uu soo gaadhay dhaawaac jabniin ah oo lugta bidix ka soo gaadhay taas oo keeni doonta in uu seego waqtiga muhiimka ah ee Premier League iyo waliba Champions Leageu ee ay kooxdiisu inta ugu badan u baahnayd.Joe Gomez ayaa isfahan layaableh la samaystay Virgil Van Dijk waxayna inta ugu badan lahaayeen masuuliyada ugu wayn ee Liverpool lix gool oo kaliya looga soo dhaliyay 15 kii kulan ee Premier league ugu horeeyay taas oo ah rekoodh cusub oo ay Liverpool ku gaadhay kulankii Burnley.

Warbixinta caafimaad ee Liverpool ka soo saartay Joe Gomez ayaa lagu yidhi: “Liverpool waxay cadayn kartaa in Joe Gomez uu soo gaadhay dhaawac jabniin ah oo dhinaca hoose ee lugtiisa bidix ah intii lagu jiray guushii 3-1 ka ahayd ee Burnley ee habeenimadii arbacadii”.Liverpool ayaa xaqiijisay in Joe Gomez uu garoomada ka maqnaan doono muddo lix todobaad ah waana waqtiga mashquulka badan ee Premier League oo dhan iyo waliba dheeraad taas oo Klopp ku qasbi doonta in uu aamino Van Dijk iyo Dejan Lovern oo caawin ka heli doono Joel Matip.Qoraalka Liverpool ayaa lagu sii yidhi: “Dhaawaca Gomez waxaa qiimayn dheeraad ah khamiistii Melwood ugu sameeyay kooxda shaqaalah caafimaadka ee Reds. Tilmaamihi hordhacaha ahaa ee 21 sano jirkani waxay soo jeediyeen in uu wajihi doono lix bilood oo uu maqnaan doono inkasta oo ay ku xidhnaan doonto sida uu daawaynta ugu soo kabsado”.Liverpool ayaa sabtida booqan doonta kooxda Bournemouth laakiin waxay bishan December ciyaari doontaa kulamo xaasaasi ah oo ay ka mid yihiin kulanka guusha ama geerida ah ee Napoli ee Champions League, si la mid ah kulamada Premier league ee Man United iyo Arsenal.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here