Livepool Oo Ku Dhaw Soo Xero-Gelinta Xidiga Thomas Lemar

169
31906

Thomas Lemar ayaa ogolaaday inuu ku biiro Liverpool si uu badal buuxa ugu noqdo xidiga reer Brazil ee Philippe Coutinho kaas oo ku dhaw inuu ku biro kooxda Barcelona sida ay baahisay shabakadda Yaahoo Sport.Barcelona waxaa ka go’an iney Philippe Coutinho lasoo saxeexdaan si walba oo ay xaalada noqoto waxeyna diyaar u yihiin iney bixiyaan aduun dhan 133 Malyan oo Pound, balse Reds ayaa ugu yaraan qaaday talaabo weyn oo ay uga maarmi karto xidigaan reer Brazil.Yaahoo Sport ayaa shaaca ka qaaday in Liverpool ay wadahadal kula jirto Thomas Lemar, iyadoo xidigaan reer France uu durba ogolaaday inuu usoo guuro Anfield.Liverpool, Man United & Arsenal ayaa si weyn ugu dagaalamay saxiixa xidigaan heerka caalami intii uu furnaa suuqa kala iibsiga xagaagii laga soo gudbay, balse Gunners ayaa aheyd kooxda ugu rajada fiicneed waqtigaas taasoo gudbisay dalab dhan 90 Malyan oo Pound waase lagu diiday.Yaahoo haatan waxey sheegsyaa in Liverpool ay haatan marsiineyso sheekada meel dhamaad ah isla markaana kaliya ay harsan tahay in xidiga uu heshiis shaqsi ah saxiixo, sidoo kalana Monaco ay aqbasho dalabka ay diyaarineyso Reds.Wariyaha caanka ah ee Duncan Castles ayaa qiray in Liverpool ay Thomas Lemar ku bixin doonto lacagaha ay ka hesho iibka Philippe Coutinho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here