Liq Xabbad Kaabsool Ah, Kadib Xaaladda Caafimaad Ee Uur Ku Jirtaada Kala Soco Talefankaaga Gacanta

0
822

London (Geeska)- Marba marka ka dambaysa waxaa dunida ku soo kordhaya farsamo iyo tiknoolajiyad cusub oo saamayn ku yeelanaysa hab nololeedka guud ee qofka. Markanna waxa ay mar kale ku rogaal celisay arrimaha caafimaadka aadamaha, laakiin haddii ay hore dhakhtaatiirta iyo xirfadlayaasha caafimaadka uun ka caawin jirtay, imika waxa ay u soo baydheen dhinaca dadka caadiga ah oo ay ku andacoonayaan in ay fursad u siinayaan in qofku uu xaaladdiisa la socon karo.

Cilmibaadhayaal caafimaad ayaa ikhtiraacay kaabsool Elegtarooni ah oo ay gudaheeda ku jiraan walxo ku shaqaynaya tiknoolajiyad awood u leh in ay cabbirto jidhka aadamaha, xog caafimaadna ka soo ururiso hab-dhiska dheefshiidka, kadibna isla markaba warbixinta u soo diraysa talefanka gacanta ee casriga ah oo marka hore la is fahamsiinayo. Kabsoolkan oo xeeldheerayaasha sameeyey ay u bixiyeen Silvir Bullet ayaa korontada ay ku shaqaynayso waxa ay ka qaadanaysaa asiidhada caloosha, oo koronto samaynaysa marka ay la falgasho  baytariga ku dhex samaysan kaabsoolka oo ay ku jirto asiidhka Citric, oo isla marka ay asiidhkaas caloosha ku jirtaa taabato afka kaabsoolka uu qofku liqay oo ka samaysan macdanta Zinc dhaqso u bilaabaya in uu koronto siiyo kabsoolka.

Curintan cusub ee tiknoolajiyadeed waxaa daaha lagaga rogay shirkii caalamiga ah ee sayniska, oo ah shirka noociisa dunida ugu weyn oo sannad kasta mar lagu qabto gobalka Boston ee dalka Maraykanka.

Cilmibaadhe ka tirsan Maxadka Massachusetts ee dalka Maraykanka oo u warramay wargeyska Daily Mail ee dalka Ingiriiska ayaa isaga oo faahfaahinaya Kabsoolkan waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Kabsoolkani waxa uu awood u leeyahay in uu ku negaado hab-dhiska dheefshiidka muddo toddobaadyo ah, isaga oo halkaas ka soo diyara macluumaad aad u xeel-dheer oo la xidhiidha xaaladda caafimaad ee bukaanka”

Kabsoolkan oo dhererkiisu yahay Hal Sentimitiir ayaa marxaladdii tijaabada ahayd ka gudbay, waxa aanu hadda u gudbay xaalad la isticmaalayo. Iyada oo ay khubarada samaysay sheegayaan in ay ku talogal fiican ka sameeyeen in aanu kaabsoolkani sababin in ay xidhmaan dhuumaha dheefshiidku.

Dhakhaatiirta ayaa ku rajo weyn in kaabsookan oo bishiiba hal mar qofku liqaa uu ka qayb qaadan doono baadhista caafimaad ee bukaanka uur ku jirta, si xaalkooda loola socdo.

Kaabsoolkan ayaa u samaysan hab uu isagu is burburinayo kadibna raacayo qashin qubka jidhku samaynayo.