Liq Qalabkan Yar Si Aad Loogu Fahmo Uur Ku Jirtaada Loona Ogaado Xaalado Hore U Daahsoonaa

21
3121

Sydney (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in midhicirada iyo shaqadeeda guduhu ay raad weyn ku leedahay caafimaadka guud ee qofka, oo ay ka mid tahay warwarka iyo cudurka Autism ee qofka bulshada ka faquuqa. Laakiin dhibaatada hore u jirtay waxa ay ahayd in aanay dhakhaatiirtu aad u awoodin in ay wax badan ka fahmaan shaqada gudaha midhicirada ka socota. Arrintaas oo sida muuqata hadda xalkeedu yimi, kaddib markii sida ay ku warrantay shabakadda Futurism la sameeyey qalab yar oo sida kiniinka kaabsoolka loo liqayo, kaas oo sawirro aad u tayo badan ka soo diraya gudaha hoose ee midhicirada iyo guud ahaan uur ku jirta. Gar ahaan qaybta dheefshiidka oo uu hore war badani ku seeganaa culimada cilmiga caafimaadka.

Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda RMIT oo ku taalla magaalada Melbourne ee dalka Ustareeliya, ayaa tijaabooyin ku sameeyey qalabkan xabadda kaabsoolka ah le’eg, si uu dhakhtarka uga caawiyo in uu ogaado oo uu garto cilladda caafimaad iyo xanuunka ka jira mindhicirada gudaheeda.

Qalabkani waxa uu adkaysi u leeyahay duruufta adag ee caloosha gudaheeda ka soo waajahaya, oo ay ka mid yihiin dheecaannada. Sawirka ka sokowna waxa uu awood u leeyahay in uu cabbiro heerka neefaha iyo asiidhka midhicirada dhexdeeda ku jira, oo ay ka mid yihiin neefaha Haydaroojiin, Kaarboon Laba Ogsayd iyo Ogsajiin, waxa aanu sawirrada iyo warbixinno qoraal ahba u soo dirayaa qalab uu la shaqaynayo oo u eeg talefanka casriga ah ee gacanta lagu qaato.

Qalabkan oo wax weyn ka qabanaya in la ogaado xaqiiqada xaaladda mindhicirada iyo dheefshiidka.

Illaa hadda ugu yaraan boqolkiiba 20 dadka dunida ku dhaqan ee qaba khalkhalka ku dhaca habdhiska dheefshiidka, waxaa ay dhakhaatiirtu ku qasbanaadaan in ay ku sameeyaan qalniino lagu ogaanayo xaaladda ‘Xiidanka’ qalniinka neefta, ama in laga qaado shaybaadho saxaro ah, laakiin marar badan aan noqon kuwo wax fiican ka tara arrintan maadaama oo ay suurtagal tahay in saacadda shaybaadhkan saxaradaha ah la qaadayaa ay ku beegan to iyada oo aanu firfircoonayn ama shaqaynayn ‘Microbiome’ ku.

Cilmibaadhistani waxa ay sheegtay in macluumaadka cusub ee uu qalabkan casriga ahi ka soo dirayo mindhiciradu ay yihiin kuwo aan marka hore la ogaan karayn, oo si fiican u caawin kara in wax badan laga fahmo sida ay u dhacaan cucurrada lagu hoobtay ee Kansarka xiidku ka mid yahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here