Lionel Messi Iyo Aabihii Oo Lagu Xukumay 21 Bilood Oo Xabsi Ah Iyo Ganax Ka badan Laba Milyan Oo Doolar

0
559

1Madrid (Geeska)- Maxkamad madani ah oo ku taalla gobolka Catalonia ee dalka Isbayn ayaa Arbacadii ina dhaaftay 21 Bilood oo xabsi ah aan la fulinayn ku xukuntay weeraryahanka kooxda kubadda cagta ee Barcelona, Lionel Messi, sidoo kale waxa ay maxkamaddu xukun kan la mid ah ku ridday xidigga aabihii Jorge (Khorkhi) kadib markii lagu helay saddex kiis oo la xidhiidha in uu cashuur ku waajibtay la baxsaday.

Maxkamadda ayaa la sheegay in ay ku qanci weyday caddaymo uu soo hordhigay ciyaartoygan oo mushaharka uu toddobaad kasta ka qaato kooxda Barcelona yahay 350 Kun oo doolar, sidoo kale waxa ay maxkamaddu diiday racfaan ay codsadeen garyaqaannada difaacaya oo u dagaalamayey in ay Messi iyo aabihii Jorge ka beri yeelaan eedahan sheegaya in ay cashuuro dalka kala baxsadeen sannadihii 2007 iyo 2009 ki. Waxa aanay labada eedaysane fadhiyeen maxkamadda horteeda markii xukunkani ku dhacayey Arbacadii.

Si kastaba ha ahaato ee qareenka Messi ayaa durbadiiba haayadda ugu sarraysa garsoorka dalka Spain u gudbiyey racfaan uu xukunka ka qaatay iyo codsi uu doonayo in dacwadda oo dhan dib loo soo bilaabo, waxa aanu ku rajo qabaa in dib loo eego dacwaddan uu ka masuulka yahay, ee ka dhaxaysa Waaxda cashuuraha oo labadan nin ee is dhalay ku eedaynaysa in aanay sannadahaas aynu soo sheegnay bixn lacag u dhiganta 4 Milyan iyo 4 boqol oo kun oo doolar oo ah cashuurihii ku waajibay.

Messi waxa kale oo lagu ganaaxay lacag dhan Laba Milyan iyo Laba boqol oo kun oo doolar oo lacagta cashuurta ah ee uu dib u bixinayo dheeraan doonta, taas oo u dhiganta lacagta uu mushaharka u qaadanayo lix toddobaad, halka aabihiina lagu ganaaxay Hal Milyan iyo toddoba boqol oo kun oo doolar.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya ayaa sheegaya in Messi uu maxkamadda horteeda kaga dooday in uu isagu aad ugu mashquulsanaa ciyaarta oo aanu waxba kala socon xisaabaadkiisa iyo cashuurta ku waajibaysa, laakiin warkiisaa maxkamaddu waa ay diidday in ay u tixgeliso. Garsooruhu warkaas xiddiga kubadda cagta waxa uu ka door biday hadalka dacwad-soo-oogaha guud ee gobalka Catalonia Mario Maza maxkamadda horteeda kaga dooday oo ahaa in qareennada difaacaya Messi iyo aabihii aanay maxkamadda hor keenin wax caddaynaya in aanay labadan nin ogeyn cashuuraha ku waaajibaya, haddii ay hayaanna hore ayaa ay u keeni lahaayeen.

Xukunka xabsiga ah eek u dhacay Messi oo ah xukun aan la fulinayn macnihiisu waa in aan xabsiga loo taxaabi doonin lixda bilood ee lagu xukumay oo uu dibad joog iska ahaanayo. Sharciga dalka Spain ayaa dhigaya in qofka ciqaabatiisu ka yar tahay laba sano, isla markaana dembigiisu yahay Madani aan laga cabsi qabin in uu dembi kalana sii galo, loo ogolaan karo in isaga oo xukunku ku dhacay oo loo diiwaangeliyey, haddana aan xabsiga la geyn, laakiin haddiiba ay dhacdo in inta xukunkaasi socdo uu dembi kale galo, xitaa haddii uu dembi yar yahay, dhaqso ayaa xabsiga loogu taxaabayaa si uu xukunkiisa hore inta u hadhay ugu qaato, dembigaa dambe wixii uu xukun yeeshana maxkamaddu dib u eegto.