Liiska Xidigo Caana Oo La Filayo Inay Dib Ugu Soo Noqdaan Horyaalka Premeir League-ga

Published on Jun 23 2017 // Ciyaaro

 

Horyaalka wadanka Ingiriisa ee Premier League-ga ayaa kamid ah horyaalada caalamada kuwa ugu caansan, waxaana jira xidigo magac iyo sumcad wayn ku leh kubadda cagta oo ka xamaasha horyaalkan,gaar ahaana kuwo kasoo hayaamay qaaradaha Laatin Amerika iyo Afrika. Mar lasameeyey xog ururin iyo codod waxaa laysku raacay inuu yahay kan loogu daawashada badan yahay. Sidaas oo ay tahay ayaan hadadaba in dhawaaleba aan kooxaha ka tirsan horyaalkani sida; Liverpool, Man United, Arsenal, Chelsea, Man City iyo Tottenham toona ku guulaysan Koobka qaarada Yurub ee Champions League-ga. Haddaba arintaais aya waxa loo aanaynayaa hoos u dhac ku yimid horyaalkani, taasi oo macnaheedu yahay in xirfada ciyaartooyada ka ciyartaa qudheedu hoos u dhacday, waxaana jira dadaalo kooxaha waawayn ee horyaalka Premeir League-gu samaynayaan, si ay dib ugu soo celiyaan ama u keenaan xidigo magac iyo mug ku leh kubadda cagta. Haddaba waxaynu eegi doonaa tiro ciyaartoooyo ah oo la filayo inay markale dib uga soo muuqdaa horyaalka EPL, waxaana kamid ah XIdiga dunnida Ronaldo oo dhawaan la filayo inuu Man United yiimaado, wallow ay kooxo kaleba rabaan.

Xidigaha kale ee horyaalkan dib ugu soo nqon kara waxaa kamid ah Carlos Tevez oo hore ugu safan jiray kooxaha reer Manchester iyo Westham, Gareth Bale, Iyo kuwo kale oo horyaalada dunnida ka ciyaara. Liiska la filayo inay dib ugu soo laabtaan EPL waxay kala yishiin sidan;Arjen Roben ,Luis Suarez, Patrice Evra,Jerome Boateng, Gareth Bale, Stefan savic, Cristiano Ronaldo IyoCarlos Teves.

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!