Liiska Xidigaha U Tartami Doona Abaalmarinta Xidiga Adduunka Ee FIFA Oo La Shaaciyey

Published on Aug 21 2017 // Ciyaaro

 Xidigaha u tartami doona xidiga adduunka ee FIFA ayaa lasoo saaray waxaana ka dhex muuqda xidigo dhawra oo uu ku jira xidig kaliya ee kasoo jeeda qaarada Afrika Aubameyang. Weerar yahanka reer Gabon Pierre-Emerick Aubameyang iyo Florence Omagbemi oo ah tababaraha kooxda kubadda cagta haweenka Nigeria ayaa noqday labada shaqsi ee kali ah ee soo galay liiska dadka u tartami doona abaalmarinta sannad laha ah ee xidignimada kubadda cagta (Fifa Ballon de ‘Or).Aubameyang ayaa loo doortay in uu ka mid noqdo 24 ka ciyaaartooy ee u tartama abaalmarinta Fifa ee ciyaaryahanka ugu wanaagsan kubadda cagta ragga.27 jirkan ayaa ahaa ciyaaryahankii ugu gool dhalinta badnaa koobka Bundesliga ee xili ciyaareedkii hore, isaga oo 31 gool u dhaliyay kooxda Borussia Dortmund.Omagbemi ayaa iyaduna dhankeeda koobkii siddeedaad ee heer qaaradeed ah u qaaday dalka Nigeria, waxayna ka mid tahay tobanka tababare ee Fifa ay u xushay in ay u tartamaan abaalmarina tababaraha ugu wanaagsan ee dumarka.

Dadka ku guulaysta abaalmarinnadan kala duwan waxaa lagaga dhawaaqi doonaa xalfad lagu qaban doono magaalada London 23 bisha Oktoobar.Khuburo labo guddi ah oo ka kala socda lixda xidhiidh ee kubadda cagta ayaa dooran doona dadkii ugu wanaagsanaa xiliciyaareedkii tagay ee 2016-17.

Ciyaaryahanada Ku Loolami Doona abaalmarinta xidiga ugu wanaagsan ragga:

Pierre Aubameyang (Gabon, Borussia Dortmund), Leonardo Bonucci (Italy, AC Milan)

Gianluigi Buffon (Italy, Juventus), Daniel Carvajal (Spain, Real Madrid), Paulo Dybala (Argentina, Juventus), Antoine Griezmann (France, Atletico Madrid), Eden Hazard (Belgium, Chelsea), Zlatan Ibrahimovic (Sweden, Manchester United), Andres Iniesta (Spain, Barcelona), Harry Kane (England, Tottenham Hotspur), N’Golo Kante (France, Chelsea), Toni Kroos (Germany, Real Madrid), Robert Lewandowski (Poland, Bayern Munich), Marcelo (Brazil, Real Madrid), Lionel Messi (Argentina, Barcelona), Luka Modric (Croatia, Real Madrid), Keylor Navas (Costa Rica, Real Madrid), Manuel Neuer (Germany, Bayern Munich), Neymar (Brazil, Paris St Germain), Sergio Ramos (Spain, Real Madrid), Cristiano Ronaldo (Portugal, Real Madrid), Alexis Sanchez (Chile, Arsenal), Luis Suarez (Uruguay, Barcelona), iyo Arturo Vidal (Chile, Bayern Munich).

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!