Liiska Cusub Ee Golaha Dhexe Ee KULMIYE Oo Caawa Lala Kala Wareegayo

0
598

Picture5Hargeysa(Geeska)-Guddiga shirguddoonka shirweynihii xisbiga KULMIYE, ayaa caawa liiska xubnaha golaha dhexe ee cusub ee KULMIYE ku wareejinaysa munaasibad lagu qabanayo xarunta madaxtooyada. Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali, guddiga shirguddoonku waxa ay liiska xubnaha cusub ee golaha dhexe ee KULMIYE, caawa ku wareejinaysaa hoggaanka xisbiga KULMIYE, xeer ilaalinta guud, iyo guddiga diiwaangelinta, waxaana la filayaa in Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uu goob-joog ka noqdo. Liiska golaha dhexe ee KULMIYE, ayuu warku sheegay inuu ka soo dhammaaday dhinaca beelaha oo uu muran ka taagnaa, waxaana la filayaa in caawa laga bilaabo si rasmi ah loo sharciyeeyo liiska cusub ee golaha dhexe ee KULMIYE, kuwaas oo iyaguna fadhigooda u horeeya ku dooran doona guddoomiyaha golaha dhexe iyo ku xigeenadiisa.

Golaha dhexe ee KULMIYE ee cusub ayaa noqon doona codka kala saari doona murashaxnimada Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, oo uu midna wasiirkiisu xaqiijiyay midina uu afkiisa ka xaqiijiyay inuu yahay murashax ka dhex tartami doona xisbiga KULMIYE.