LightX: Barnaamij (AP) Bilaash Ah Oo Si Tayo Leh U Qabanaya Qurxinta Iyo Wax Ka Beddelka Sawirrada

27
11903

Washington (Geeska)- LightX waxa uu ka mid yahay barnaamijyada heerkasare ah ee ku shaqeeya talefannada iyo qalabka ku shaqeeya Android iyo Iphone ka, waxa aanu si dhammaystiran u qabanaya shaqada wax-ka-beddelka iyo qurxinta sawirrada, isaga oo aan laga dareemin culays iyo gaabis, isla markaana tayadeedu aad u sarrayso. Hawlaha uu barnaamijkani sida fiican u qabanayo waxaa ka mid ah, in laga guuro ama wax laga beddelo muuqaalka dhabarka dambe ee sawirka ka muuqda, in sawirro ay ka mid yihiin kuwa qofku iska qaado ‘Selfie’ lagu qaado, in la beddelo midabka timaha, in la abuuro sawirro kartoon ah, sida oo kale in midabbada iyo iftiinka sawirka wax laga beddeli karo, in sawirka qoraal lagu dul samayn, in midabbada sawirka la is dhexgelin karo, in sawirka qaabkiisa wax laga beddeli karo,

Barnaamijka LightX oo dadka isticmaalay ay aad u ammaaneen tayadiisa ayaa ay shabakadda wararka ee Alcarabiya oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xigtay, sheegtay in uu yaahy lacag la’aan laga heli karo suuqyada ‘Google Play’ ee dadka isticmaala qalabka ku shaqaynaya barnaamijka Android iyo App Store oo ay haystaan dadka isticmaala talefannada iyo qalabka kale ee ku shaqeeya barnaamijyada shirkadda Apple.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here