Liberland: Jamhuuriyad Maloawaal ah Oo Dalka Keliya Ee Abid Xidhiidh La Yeeshay Uu Somaliland Yahay

0
3435

Kamaal A. Cali

Siyaasi 35 sano jir ah oo u dhashay Jamhuuriyadda Czech ayaa 13kii Abriil 2015 ka, ku dhawaaqay jamhuuriyad maloawaal ah oo uu ku suuraynayo dal uu isagu madaxweyne ka yahay oo dunida ku cusub. Siyaasi Vit Jedlicka oo dalkiisa Czech ka ah guddoomiye gobal, aadna loogu yaqaanno u dhaqdhaqaaqidda arrimaha siyaasadda ayaa isu caleemo saaray madaxweynaha ugu horreeya ee jamhuuriyaddan uu u bixiyey Liberland, (Dhulkii xorriyadda). Magacaas oo uu ka soo dheegtay falsafadda siyaasadeed ee ‘Libertarianism’ oo uu aaminsan yahay.

Libertarianism; waa dhaqdhaqaaq iyo aragti ama falsafad siyaasadeed oo udub dhexaadkeedu yahay ‘Xorriyad’. Waxa ay aaminsan tahay in dadku helo xorriyad siyaasadeed, xorriyad is maamul, xorriyad doorasho, xorriyadda ka mid noqoshada cidda iyo aragtida uu doono, xorriyadda in uu naftiisa xukumo, qofka oo ka xaroooba xakamaha iyo xeerarka dawladaha, dhaqanka iyo caadooyinka iyo in qofku uu isagu is leeyahay sidaa awgeed uu xor u yahay habdhaqankiisa, hantidiisa, diintiisa iyo wax kasta oo aan meel ka dhac ku ahayn xorriyadaha qofka kale. Haddaba siyaasi Vit Jedlicka waxa uu ku dhawaaqay Liberland oo ah humaagga dawlad ku dhisan aragtidaas iyo mabaadii’daas uu aaminsan yahay. Marka aratida siyaasiga ah loo soo dhaadhacana waxa uu Vit Jedlicka si adag u diiddan yahay aragtida midnimada Yurub.

Haddaba dalkan uu maloawaalay waxa uu u doortay deegaanka Gornja Siga oo ah dhul bedkiisu dhan yahay 7 kiiloomitir oo laba jibbaaran, kaas oo ku teedsan webiga labaad ee Yurub ugu dheer oo lagu magacaabo Danube, gaar ahaan xuduudka u dhexeeya dalalka Serbia io Croatia. Waa dhul aanay labada dal midkoodna ka talin oo ah dhulka lahaanshiyaha ka caaggan (No man’s land). Dhulkan oo ah buuraley iyo keymo jiq ah, oo leh jidad rafaad badan, maadaama oo tobannaan sano ka hor la deggenaan jiray, waxa aad ku arkaysaa raadadka nololeed iyo guryo qaddiimi ah oo kharaabado noqday.

Halkaas ayaa uu Jedlicka ku andacooday in ay tahay jamhuuriyadda Liberland, oo uu u sameeyey calan, waxa aanu ku dhawaaqay in uu qabanayo araajida codsiyada dadka danaynaya in ay muwaadiniin ka noqdaan dalkiisa aanu isaguba deggenayn, oo uu sheegay in aanay dadkiisu ka badan doonin 3 boqol oo kun oo qof. Jedlicka waxa uu Liberland ku sheegay jamhuuriyad dastuuri ah oo xubnaheedu ku iman doonaan dimuqraadiyad toos ah. halkudheggeeduna yahay, “In la noolaado, dadkana nolol loo ogolaado”

Siyaasigan oo dareensan sida ay u adagtahay in ay meel marto jamhuuriyaddiisa maloawaalka ah ayaa caddeeyey cabsida uu ka qabo in dhulka uu doonayo in uu dawlad ka dhigto ay dhibaato kaga timaaddo labada dal ee uu doonayo in uu dhexdooda cidhiidhsado oo ah Seerbiya iyo Korowaatiya, “Waxa aan filaynaa in ay waxoogaa dhib ahi nooga iman doonto” ayaa uu yidhi, isaga oo ka hadlaya sida uu ku xallin karana waxa uu ku andacooday in sharciga caalamiga ah ay isla tegi doonaan. Siyaasi Vit Jedlicka oo talefishanka CNN la hadlayey ayaa mar uu ka warramay tallaabada ay qaadi doonaan haddii labadan dawladood ama midkood ku soo durkaan dhulka uu sheeganayo, waxa uu yidhi, “Waxa keliya ee aanu awoodi karnaa waa in aanu iska caabbin yar oo caalwaa ah uun samaynaa.”

Dalalka Seerbiya iyo Korowaatiya waxa ay jamhuuriyaddan maloawaalka ah ku tilmaameen wax la’ la yaabo iyo maadays maqalkiisu xiise badan, laakiin aan u qalmin jawaab laga bixiyo iyo faallo midna. Marka xaqiiqadeeda la eegana waa dhab in ay tahay maloawaal iyo cilaaq, maragga koowaadna waa in ninka ku dhawaaqayba aanu u dhalan, isla markaana aanu deggeynayn, aadame kalana aanu deggenayn dhulka uu ku andacoonayo in uu dawlad ka dhisayo kelidii. Waana ta keentay in dad badani ay is weydiiyaan, haddii uu doonayo jamhuuriyad leh tilmaamaha uu sheegay, sababta uu gobalka uu madaxda ka yahay ee Jamhuuriyadda Czech ama meel uun dalkiisaa ka mid ah ugaga dhawaaqi waayey dawladdaas, loona arki waayey isaga oo gooni-isu-taag u raadinaya.

Jedlicka mar uu isku dayey in uu tago dhulkan uu sheeganayo, waxaa xabsiga u taxaabtay dawladda Korawaatiya oo uu tegey si uu uga gudbo xuduudka ay la leedahay dhulka uu dawladdiisa ku sheegay. Vit Jedlicka iyo turjumaan la socday oo hal habeen xabsiga u hoyday waxaa la sii daayey markii ay bixiyeen ganaax lacageed oo lagu xukumay sifada sharcidarrada ah ee ay xuduudka uga tallaabayeen awgeed.

Dalalka yar ee illaa hadda si uun u soo hadalqaaday dawladda maloawaalka ah ee Liberland waxaa kale oo ka mid ah; Masar oo wasaaraddeeda arrimaha dibaddu ay muwaadiniinteeda uga digtay suurtagalnimada in budhcad ku dhacdo ama ku khiyaamayso sheekada ah in jinsiyad looga raadinayo dalka Liberland ama loo tahriibinayo. Warkan wasaaradda ayaa dabasocday warar la isla dhex maray dalkaas oo niman budhcad ahi dadka lacag kaga urursanayeen, iyaga oo ku andacoonaya in ay u dhoofinayaan Liberland oo ay ku sheegeen dal ku yaalla qaaradda Yurub oo muwaadiniin u baahan.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee jamhuuriyadda Czech ayaa iyaduna iska fogeysay hawlaha uu ku andacoonayo muwaadinkeeda Jedlicka, oo ay sida oo kalana digniin adag u dirtay. “Waxaa waajib ku ah in mudane Jedlicka iyo sida oo kale muwaadiniinta Czech u dhashay ee iyagu jooga dalalka Korowaatiya ama Seerbiya in ay dhowraan shuruucda iyo nidaamka dalalkaas ay ku noolyihiin. Falalka iyo sheegashooyinka mudane Jedlicka waxa ay dawladda Czech u aragtaa kuwo aan habboonayn, lagana yaabo in ay dhibaato ka dhalato” ayaa ay dawladda Czech ku tidhi, warka ay soo saartay.

Sheekada dawladnimo ee Mudane Jedlicka oo ay xeeldheereyaasha sharciga caalamiga ahi ku sheegeen mid qaldan, ayaa warbaahinta ka faallootayna ay ku tilmaamtay tallaabo uu siyaasiga Jedlicka ku raadinayo soo shaac bixid ay dunidu ku barato iyo farsamo uu doonayo in uu ugu dhuunto wax ka sheega dhaliilaha dalkiisa ka jira, isaga oo mar kasta ku andacooda in uu doonayo in dalkiisa ay ka jiraan xorriyadaha iyo nidaam wanaagga uu sheegay in uu la damacsan yahay dalkiisa maloawaalka ah.

Somaliland iyo Liberland

Ma jiro dal keliya oo adduunka ka mid ah oo aqoonsan ama xitaa xidhiidh dadban iyo mid toos ah midna la leh jamhuuriyadda Liberland, marka laga reebo in hoggaamiyaha fikirka jamhuuriyaddan lihi uu ku guulaystay in uu Somaliland la yeesho wax uu ku sheegay xidhiidh diblumaasiyadeed.

Bishii sagaalaad ee sannadkii 2017 kii oo uu booqasho ku yimi Somaliland ayaa uu heshiis isfaham la saxeexday masuuliyiinta Somaliland, isaga oo ku andacooday in uu ka shaqaynayo xoojinta iskaashiga dhinacyada tiknoolajiyadda, tamarta iyo arrimaha bangiyada, xilli aanu dalkiisu bangi ha joogo ee xitaa lacag rasmi ah lahayn.

Somaliland waxa ay sidaas ku noqotay dawladda keliya ee adduunka si uun looga yaqaan ee jamhuuriyadda maloawaalka ah ee Liberland la yeelatay xidhiidh laba geesood oo lagu tilmaamay in uu yahay aqoonsi is dhaafsi, isla markaana la saxeexatay heshiisyo iskaashi oo muhiim ah.

Waftiga Liberland ee yimi Somaliland oo ka koobnaa siyaasiga lahaa riyada lagu dhisay dawladdan maloawaalka ah, ninka ugu magacaaban wasiirka baratakoolka oo isagu ah Eeshiyaan haysta jinsiyadda Maraykanka, laguna magacaabo Daariq Cabbaasi iyo nin Soomaali ah oo gadhwadeen u ahaa, ayaa sannadkii 2017 bishii sagaalaad booqasho ku yimi Somaliland, waxa aanay shir la galeen masuuliyiinta Somaliland ugu sarraysa oo uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil ‘Saylici’, wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, wasiirudawlihii arrimaha dibadda ee xilligaas Maxamed Mixille Boqorre, wasiirkii ganacsiga iyo maalgashiga ee xilligaas Mudane Cumar Shucayb iyo masuuliyiin kale oo ka tirsanaa xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye.

Waxa xiise leh in sida ay ku warrameen masuuliyiinta dawladda maloawaalka ah ee Liberland ay labada dhinac (Liberland iyo Somaliland) magacaabeen guddi wadajir ah oo ka shaqaysa iskaashi dhex mara oo ah dhinacyada Tiknoolajiyadda, tamarta iyo nidaamka bangiyada, iyo in ay bilaabaan geeddi socod ay labadoodu isku aqoonsanayaan iskana kaashanayaan fagaareyaasha caalamiga ah.

Siyaasiga isu caleemo saaray madaxweynaha, mudane Jedlicka ayaa hadal uu ka jeediyey munaasabad ay heshiiska iskaashi labada dhinac 27 kii Sabtembar 2017 ku kala saxeenayeen, oo madaxweyne ku xigeenka Somaliland goobjoog ka ahaa, hadalladiisa waxaa ka mid ahaa, ballanqaadyo uu sheegay in ay dawladdiisu diyaar u tahay in ay Somaliland ka caawiso nidaamka iyo shaqada bangiyada, tiknoolajiyadda iyo tamarta qorraxda laga dhaliyo.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Mudane Sacad Cali Shire oo ka warramay wax uu xidhiidhka Somaliland iyo dalkan ku jira maskaxda Jedlicka soo kordhin karo ayaa isaguna xilligaas yidhi, “Waxaanu iska kaashan karna waxyaabo badan; waayo aragnimo waanu iska kaashan karnaa, Waddanka Liberland waa Yurubiyaan marka afhayeen ayuu nooga noqon karaa qaaradda Yurub, waxyaabo badan baanu kala faa’iidayna,”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here