Laydh Ayaa Lagu Xidhay Dhulka Hoose Ee Jidadka Cagtu Marto Si Loo Badbaadiyo Dadka Ku Mamay Talefanka Gacatan

0
706

Amsterdam (Geeska)- Masuuliyiinta dawladda hoose ee magaalada Bodegraven oo ku taalla galbeedka dalka Holland ayaa bilaabay in ay jidadka dadku maraan dhulkooda hoose ku rakibaan laydhadh, loogu talogalay in dadka ku mamay isticmaalka Talefanka Gacanta ee aan indhaha kor u qaadin ka caawiya in ay si nabadgelyo ah isgoysyada uga gudbaan.

Laydhadhkan oo bixinaya ilays indhaha soo jeedinaya, ayaa la shaqaynaya calaamadaha ishaarooyinka oo hadba ilayska markaa baxayaa nooca uu yahay isaguna bixinaya, tusaale ahaan marka uu shidmo laydhka cagaaran ee dadka jidka ka tallaabaya u fasaxaya in ay gudbaan ayaa uu isna isla ilayskaas bixinayaa si qofkan fooraraa uu u arko.

Keis Oksam oo xubin ka ah golaha deegaanka ee magaalada Bodegraven ayaa yidhi, “ku mashquulista xad-dhaafka ah ee ciyaaraha lagu ciyaaro talefannada gacanta, iyo isticmaalka shabakadaha bur-kulanka bulshada ayaa saamayn taban ku yeeshay feejignaantii dadku kula socon jireen marista jidadka” Laakiin Jimciyadda dalka Holland ee nabadgelyada waddooyinka ayaa arrintan u aragta qalad la mid ah abaal marin la siinayo dadkii anshax xumada samaynayey. Jose De Yang oo jimciyaddan ka tirsan ayaa yidhi, “Fikir fiican ma’aha in aad dadkii talefannada gacanta isticmaalayey ku caawiso in ay iska sii wataan isticmaalkan. Ma’ doonayno in dadku marka ay jidadka marayaan ay isticmaalaan talefanka gacanta, iyo marka ay tahay in ay la socdaan ishaarooyinka. Dadku waa in ay hareerahooda eegaan, si inta aanay tallaabin ay isaga hubiyaan in gawaadhidu ay taagan tahay”

Laydhkan oo weli tijaabo ku jira ayaa meelo kooban lagu rakibay, laakiin magaalada Augsburg ee dalka Jarmalka ayaa iyaduna bilowday qorshe kan la mid ah oo ay ugu magac dartay, “Dadka ku mamay isticmaalka talefannada casriga ah” Waana laydh dhulka ka baxaya oo qofkan talefanka ku foorara ku baraarujinaya in la gaadhay waqtigii uu istaagi lahaa ama dhaqaaqi lahaa. Laakiin magaalada Ausburg waxa ay laydhadhkan ku rakibtay jidadka dadku maro ee ka tallaaba dhabbaha tareenku maro, si qofku uga taxaddaro marka uu tareen ku soo dhow yahay.