Lacag Uu Sandquuq Xidhan Ku Ururinayey Intii Noloshiisa Oo Dhan Ayaa Ay Qudhaanjo Ka Cuntay

0
957

moneyDelhi (Geeska)- Ganacsade u dhashay gobolka Bihar ee dalka Hindiya ayaa waayey gebi ahaanba lacagtii uu keydinayey intii uu noolaa. Ninkan ayaa la sheegay in uu lacagtan ku ridi jiray sanduuq uu ugu talo galay in aan la furin oo leh dalool uu kaga ridi jiray lacagta.

Bawarika Barasad ayaa lacag gaadhaysa 650 Kun oo lacagta dalka India ah oo uu ururiyey intii uu noolaa, waxa uu ku guray sanduuqan uu furihiisa tuuray si aanu lacagta gasha dib ugala bixin. Laakiin nasiib darro markii uu damcay in uu la soo baxo lacagtaas oo marka doolarka Maraykanka loo rogo noqonaysa in ka badan 10 kun oo doolar, waxa uu la kulmay wax aanu filanayn. Mar keliya ayaa ay farxaddiisii tacabka dheeri naxdin iyo af kala qaad isu beddeshay kadib markii uu arkay in lacagtaas uu muddada dheer ururinayey ay qudhaanjo cuntay.

Gobolkan Bihar ee dalka India ayaa muddooyinkii u dambeeyey wawxaa laga cabanayey qudhaanjo ka dillaacday oo ah nooca loo yaqaanno qudhaanjada cad ah oo si ba’an u cunta wax kasta oo yaalla guryaha iyo goobaha kale ee ay ku dhalato yaalla. Marar badan ayaa dadka looga digay in qudhaanjadani halis ku tahay alaabta iyo dharka, laakiin Barasad marnaba uma uu qaadan in qudhaanjadani ku dhalan karto sanduuq xidhan gudihii, waxa aanu ku fakarayey in maadaama oo uu ahaa sanduuq si adag u samaysan aanay helayn dalool iyo meel ay ka gaasho. Nasiib darro Barsad oo war moog ayaa dhowaan doonay in uu dib u xisaabiyo lacagtii ugu jirtay sanduuqa laakiin haba yaraato ee wax lacag ah uguma uu tegin. “Markii aan furay sanduuqa waxa keliya ee ka buuxay waxa uu ahaa qudhaanjo iyo boodh” ayaa uu yidhi Barasad oo naxdin iyo murugo la ilmeeyey markii uu waayey kaydkii uu noloshiisa oo dhan urursanayey.