Labo Kala Leexday: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

Published on Mar 08 2014 // Maqaalo

Hordhac:

Labo Kala Leexday waa buug cusub oo hadda daawaha saaran, dhawaanna indhaha akhristaha horiman doona. Waxa qoray Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud oo degan Magaalada Hargeysa. Waa sheeko faneed mala-awaal ah oo toosh ku ifinaysa in badan oo ka mid ah dhibaatooyinka ay bulshadeenu maanta la nool yihiin, kuwaasi oo qaar badan oo ka mid ahi ay qaab-nololeedkeena si qunyar-qunyar ah ula falgalayaan. Mushkiladda tahriibka ama dalka- cararka ayuu buuggu si xikmad sare leh u soo gudbinayaa. Buuggu tahriib uun ka hadli maayee, farriimo kale oo badan oo wadaniyaddu ka mid tahay, heerarka waxbarasho ee dalku ka mid yihiin, xaaladda adeegyadda caafimaad ka mid yihiin, wax is daba marinta iyo qabyaaladdu ka mid yihiin ayuu qoraagu si hufan dareenka akhristaha ugu soo jeedinayaa.

Xaaji Warfaa waa nin da' dhexaad ah oo dherer iyo dhumucba Ilaahay ugu deeqay. Timihiisu waa jileec, madaw u badan, balse maalmahan dambe dhafoorada ayay cirro ka taabatay, waanay ku sii badanaysaa maalinba maalinta ka dambaysa. Da' oo kaliya uma tiriyo cirradiisa ee Xaajigu waxa uu dareensan yahay in waayo adduun u dheer yahay. Waa ganacsade leh meherad aan sidaas u sii buurnayn, hase ahaatee ku filan inay dabbarto nolosha qoyskiisa. Meheraddaas ayuuna ka helaa nolol-maalmeedka qoyskiisa oo xalaal ah. Waa ehludiin masaajidada ku xidhan, sujuudduna summad ku samaysay wajigiisa. Salaadi inay ka tagto iska dhaafe, masalle ayaaba  u yaalaa safka ugu horeeya ee masaajid aan xaafaddiisa ka fogayn. Haddii mid salaadaha ka mid ah uu jamaca ka maqnaado, waa hadii uu safar ku maqan yahay, ama sababo gaar ahi jiraan maalintaasi.

Waa reer magaal xarago badan oo inta badan ku labista macawis abu sabarande ah, koofiyad cummaani ah iyo cimaamad abu rishwaani ah. Kabo sandal ah oo dabada furan ayuu inta badan xidhaa. Xiliga qaboobaha ayuu kabo buudh ah iyo sharabaad ku labistaaa.

Sidciyo waa afada u dhaxday Warfaa.  Waa marwo u diran daryeelka qoyskeeda. Hiif iyo huruuf midna laguma sheegin. Camal sami, dhego nugayl iyo gaarrinimo ayaa sifaheega baadisoocda u ah ka mid ah. Dumarka ay jaarka, ehelka iyo xigaalkaba yihiini waxa ay kantaan garasho fog iyo dulqaad dhif ah oo Eebe weyne dad aan badnayn oo ay ka mid tahay ku galladay. Waa hooyo karti badan, dhaqanka ku dheggan, had iyo jeerna ku dadaasha habsami-u-barbaarinta iyo horumarinta ubadkeeda. Warfaa iyo Sidciyo waxa uu Macbuudku  ku arsaaqay caruur shan ah, sadex wiil iyo laba gabdhood.  Wacays baa u curad ah, dhawr gu'na waxa uu ka wayn yahay gabadha dhalasho ahaan ku soo xigta oo Warsan ah.   Warsame iyo Waris ayaa dhexda ku jira halka Weli yarenna ka yahay guri dambayska qoyska.

Maanta Wacays waa dhawr iyo labaatan jir da'diisa iyo muuqaalkiisu aanay is lahayn. Hilib badani ma saarna jidhkiisa oo waa meel dhexaad, waliba caato xigeen ah. Timo jileeca aabbihii ayuu ka raacay, midabkiisa cas ee dhalaalayase dadka qoyska yaqaannaa waxay yidhaahdaan ayaydii hooyo ayaa sidaas u caddayd. Waa wiil magaalo, oo xarrago ayuu isla jajabiyaa, labbiska iyo dhaldhalaalkana sida qayrkii ayuu mudnaanta siiyaa. Waa dhif in la arko isaga oo aan shaadhka iyo surwaalka suun ku kala jarin.

Inkasta oo sidii dhaqan Soomaaligu ahaa loo mashxaraday, wan weynna loo loogay dhalashadiisa, looguna magac daray Wacays, haddana  sannadihii u horeeyey ee noloshiisa waxa uu la kawsaday dagaallo iyo xiisado deganaansho la'aan siyaasadeed ah oo ka aloosmay deegaankii uu ku dhashay. Dagaaladdii ka qarxay dalku, waxa ay hantaaqo ku noqdeen hana kii hore ee noloshiisa, turunturrooyin badan oo dhinaca nolosha ahna deegaamadaasi colaadu ka jirtay way kaga tageen.

Wallow ay markii danbe xaaladda colaadu ka soo raysay, nabadii, nidaamkii iyo kala danbayntiina si qunyar-qunyar ah dib loogu yagleelay, haddana noloshii qalafsanayd si dhakhso ah iskuma bedelin.

Yaraantiisii firfircooni iyo fahmo furan ayuu filkii kaga tilmaannaa, macallimiin badan oo u kala danbaysanna si isku mid ah ayay mawhibooyinkaas  gaarka ah uga markhaati kaceen. 

 

Tamarta iyo awoodda dhallaanimo ee ku jirtay si habboon oo habsami leh ayuu uga faa’iidaysan jiray,  taasina waxay dhaxalsiisay karti iyo hufnaan uu in badan oo qayrkii ah dheeraaday. Barnaamijyada aqoon isweydaarsiga ah, tartannada ciyaaraha, masrixiyadaha iyo doodaha iskuulka, intaba qabanqaabadooda kaalin hormuudnimo ayuu ka qaadan jiray. Dadaalkaasi shakhsiga ahi natiijo shillis oo lagu reeyey ayaa ka dhalatay. Magaciisu dugsiga oo dhan ayuu sidii xiddig iftiin badan uga dhex ifayaa. Ka dhex muuqashada dhammaan hawlaha tacliimeed iyo barbaarineed ee dugsigu waxay u sahashay in magaciisa ardaydu u bartaan si la mid ah sida ay maadooyinka waxbarasho u yaqaanaan.Wacays waxa uu saaxiib dhaw la yahay Waayeel oo ay soo wada kacaameen,  dugsiganna isku maalin la wada qoray. Waa isku gedo labadoodu oo wax la sheego ma kala weyna. Midabkiisu waa maarriin qurux u dhashay, waxoogaase dantu hayso. Timo gaaban oo jilicsan iyo salaxyo dhaadheer oo lagula kaftamo inay dhawaan bidaar weyni galayso ayuu leeyahay. Isaguna bidaartaas ayuu wadnaha farta iskaga hayaa oo timahaasi ayaad mooddaa inuu ilaalo ka hayo. Saliidda iyo saqaf gaar ah oo uu ilko qabow ku ogyahay  ayuu ugu roon yahay, oo sidaasi nafaqo tinta soo biqlisa ayuu ka dayayaa ama ugu yaraan ka hortagta inay abaadaan. Xitaa marka uu timaha iska xiirayo, haddii uu waayo ninka timojaraha   ah ee  uu macmiilka u yahay, gacantiisanna ku kalsoon yahay, xiiri maayo ee dib ayuu u dhiganayaa ilaa uu ninkaasi oo gacan banaan helayo. Haddii cid kale ka xiiri lahayd, waxa uu ka cabsi qabaa in timahaasi yabyabka iyo abqaalka uu ku wado ay ka galaaftaan. Xagga miisaanka iyo dhismaha jidhka, shaqo badan ayuu galiyey oo jidh-dhis ayuu ku mashquulsan yahay. Sida la qiyaasi karanna, waxa uu leeyahay turuqyo adag, muruqyo toosan iyo jidh tigtigan. Waxa intaasi u dheer, isaga oo leh joog hubqaad leh, labbiskana si wacan ugu soo baxa.

Dugsiiye waa odayga dhalay Waayeel. Waa oday joog leh, imikase aad mooddo inuu soo godanayo. Madax boos ah oo wada caddaaday iyo gadh weyn oo wada cirro ah ayuu  leeyahay. La soco..

 

 Waa xoogsato muruqmaal ah oo ku hawlan xirfadda dhismaha guryaha. Waa wastaad aqoon fiican u leh shaqada uu qabanayo. Gacantiisa iyo farsamadiisa inta badan waa la mahadiyaa aad ayaanna loo maamuusaa, balse lix cisho oo isku xigta marka uu mood adduunyo muruqiisa ku soo saaraba, waa inuu laba maalmood oo kaamil ah sidii mayd sariirta dul wadhnaadaa. Sababtu waa natiijo ka dhalatay balwadda cunista qaadka oo la fogaatay, filkiina ka reebtay. Sidiisa  caadiga ah waxa uu soo shaqaysto inta ugu badan waxay ku baxdaa cunidda balwaddaasi la talax tagtay. Inta yar ee soo hadha ayuu Madiino oo ah marwadiisa, suuqana khudrad ku iibisa ugu dhiibaa biil ahaan. Marka laga yimaad Waayeel oo ah curadka reerkan, Dugsiiye iyo Madiina waxa kale oo Ilaahay ku arsaaqay todoba caruur ah oo kale.

Marka aad eegto sida oday Dugsiiye ugu taggan yahay qayilka iyo cunista qaadka, waxa suurto gal ah inaad malayso in reerkaasi qasaare daris la yahay, arrinkooguna yahay reer ba'aw yaa ku leh. Hase ahaatee, dadaal dheeri ah oo ay samaysay hooyada qoysku ayaa ka dhigay ubadka reerkaasi kuwo toosan oo waxbarasho iyo dadaal ku foogan. In kasta oo duruufuhu ku adag yihiin hooyo Madiino oo ah udub-dhexaadka qoyska, waxay haddana geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay inay baahida ka gufayso qoyskeeda, ubadkeedana ay ku barbaariso dhaqan wanaagsan iyo waxbarasho jacayl.   Waayeel ayaa isaguna carruurta intooda kale u noqday tusaale wacan oo ay ku daydaan, dariiq toosanna u jeexay ilaa intii uu ka dhamaysanayey dugsiga sare.

Dugsiiye dhab ahaan wuu u og yahay in kaalintiisii uu gabay marka ay noqoto hoggaaminta qoyska. Si fiican ayuu ula socdaa baylahda ka timi mas’uuliyaddii uu ku beegnaa. Laakiin dhaqanka uu aaminsan yahay ayaa kaga gudboon inuu garawshiiyo bixiyo. Ad-adaygga iyo iska indhotirka xaqiiqada hortiisa  taalla ayuu ragannimo u arkaa.

 Madiino waxa ay goor walba ku canaanataa Dugsiiye inuu isbeddel la yimaaddo oo naftiisa iyo ubadkiisaba u tudho. Way u caqli celisaa oo haddana runta biyo-kama-dhibcaanka ah ayay si asluub leh farta uga saartaa. Waxay  si degganaan iyo debecsanaani ku jirto u dareensiisaa in haddii uu si habsami ah u maareeyo noloshiisa, naftiisana xakameeyo ay qoysku nolol naruuro leh ku naaloon karaan. Dhinace kalese, haddii uu sidaa ku sii socdo, inuu  maalin maalmaha ka mid ah talax gabi doono, ubadkiisana aayo-xumo u horseedi doono ayay ku celcelisaa. 

"Dugsiiyow adigaa reerkan oday u ah, Ilaahayna xilkiisa ku saaray, kaalana xisaabtamayaa ee sidan aad ku jirto isku dhaan, ubadkaagana tusaale fiican u noqo" ayay mar walba xusuusisaa. Hadalka xaqiiqda ah ee marwadu mar walba qalbiga Dugsiiye meel weyn ayuu kaga dhacaa, xujo uu isku difaacanna ma helo oo arrimaha ay kala hadlaysaa waa wada xaqiiqo lama  dhaafaan  ah. Ha yeeshee marna si furan garawshiiyo ugama bixiyo. Laabta iyo dareenkiisa ayaase dhuuxaya hadallada wada saxda ah ee xaajiyadda, markaasuu habeen walba go'aan ku gaadhaa inuu quudashada qaadka faraha ka qaado. Markase waagu baryo, go'aankiisii xalay waxba kama fulaanoo, waa kaas aroorta horeba qaad arooryo iyo jabbane bilaabaya!

***

 

Waayeel isagu safar tahriibeed ayuu u xadhko xidhan yahay, qolo maalmahani ay cagta isla heleen oo ay is raaci lahaayeen oo kharashku ka kala dhiman yahay ayuu sugayaa. Saaxiibadda cusub ee uu hadda yeeshay ayuu waqtigiisa inta ugu badan la qaataa, waxana ay inta badan iska waraystaan marrinada tahriibka. Ma jecla ama way isdiidsiiyaan wararka dhiillada xambaarsan ee maalin walba ka soo yeedhaya dhallintii hortood tahriibtay. Waxayse mashquul ku yihiin urursiga cinwaannada iyo lambarada telefoonada rag lagu sheegay inay hawshan u dhuun daloolaan, meelo kala duwanna ku kala nool.

Waxa ninkii Waayeel lagu booriyey inuu guursado inta aanu bilaabin safarka tahriibka ah oo natiijo uu ku danbayn doono aan la garanayn. Daa’uud oo ka mid ah saaxiibadiisa danbe ee ay hawsha tahriibka ku wada jiraan ayaa fikradan dhawr jeer u soo jeediyey. Maanta oo ay meel maqaaxi ah mijino qaad ah ku wada cunayaan ayuu Daa’uud saaxiibkii fursad kale u helay, si uu uga dhaadhiciyo arrinta uu wato.

“Waar ninyow safar dheer baad galaysaa, wax aad la kulmina ma ogide, maad iska guursatid intaanad bixin,  hadii ay taadii noqotonna aad adduunyada tafiir kaga tagtide” ayuu soo jeedinayaa Daa’uud iyaga oo garbaha isku haya, qayilkunna meel fiican u marayo.

“Ninyahow fikradu ma xumee, maxaan ku guursanaa, anagii baa shillimo isku beeg-beegaynee. Ma wareer kale ayaad adna nala soo doonatay? ayuu si amakaag leh u waydiinayaa.

“Waar horta maxaad isla miskiinisaa ninyow, ma waxaad ka liidataa Fanax iyo Yaasir oo aad xaaladooda ogayd, haddana reero sameeyey intayna dhoofin. War ma hayside, guurku sidii hore maaha, qaar abaal iyo badh kugu qabanna magaaladda ka waayi maysid” ayuu ku soo afjarayaa doodiisa, isaga oo afka u soo dhawaynaya, hadalkana hoos u dhigaya.

“Dee na tilmaan haddaa. Anigu waxaan ka fikirayey kharash aroos iyo dhakofaar kale oo aan hadda loo daafad hayne.” Waayeel firkadaasi way ku duxday, dhiiga iyo dhuuxa ayuunna u dhaadhiciyey. Waxa uu go'aansaday inuu aroos degdeg ah  galo, si haddii hediisiiba gasho, uu ubad uga tago. Magaalo muraadkaaga ka waayi maysid ayaa hore loo yidhiye, markiiba la is hel gabadh neeftoodu is ogolaatay, waxanna judhiiba lagu heshiiyey in ay is mehersadaan, reer cusubna sidaasi ku yagleelaan. Sidii Daa’uud sheegay, aroosku mid qiimo jaban oo uu awoodi karayey ayuu ahaa. Isaga ayaaba markii danbe la yaabay fudaydka hawsha iyo sida sahalka ah ee uu reerka u sameeyey.

Gabadha uu Waayeel guursaday, Ubax, waa gashaanti hadda uun labaatankii madaxa la gashay. Sida uu mar danbe ogaaday, barbaar hore ayay kala tageen, ilmo yar oo ay u dhashayna hooyadeed oo miyi joogta ayaa haysata. Waa gabadh kulayl u dhalatay, hadalkeeduna taag-taagan yahay. Mar kasta oo ay arrin reerka khuseeya ka wada hadlayaan, xaajadu way ka dhabaqdaa, natiijo aan la mahadinna way ka dhaxlaan.

Goor barqo dheer ah, xilli uu hurdo Waayeel, ayay u soo galaysaa oo dirir iyo hanjabaad isku raacinaysaa. "Waar meesha ka kac, oo arlada Ilaahay u shaqo tag, saacad walba halkan ha noo wadhnaane".

Waayeel intan danbe qaadka iyo sigaarka ayuu si talaxtag ah u isticmaalaa oo saaxiibada cusub ee tahriibka ayay balwadahaasi heshiis ku yihiin. Xalay ilaa saacad danbe ayuu qayilayey, markii uu guriga yimidna hurdadii ayuu soo qaban waayey oo hadda ayuun buu indhaha isku qabtay, tiinna waa tan laga gaagixiyey.

"Waad edeb daran tahaye mar danbe sidaa ha iila hadlin, farahanna ha ila soo galin,  haddii kale waxa ku gaadha adiga ayaa is gaadhsiiyey" ayuu isaga oo ilna isku haya, midna dirqi ku kala qaaday si fool-adag u odhanayaa, isaga oo isa sii duuduubaya oo dhinaca gidaarkana u sii jeedsanaya. Hurdo uma taalo oo hadal iyo isla xisaabtan ayaa lala dul taagan yahay. Xiskiisuna fikir degdeg ah ayuu galayaa. Wuxuu is leeyahay maxay kuugu daran tahay oo door walba kuu dagaashaa. Dab ay huriso mooyee, miyaanay diin kaleba lahayn. Dadnimada ma inta u daran ayay horta ka baratay. Haddayna ka baran maxaa maalin uun loo arki waayey inay milgihii marwo lagu yiqiin muujiso. 

Ubax dhinaceeda way boodsan tahay oo ninkan aanay waxba ku qabin ee saacaddaas hurda, aflagaado iyo haddidaadna iskugu daraya ayay qaadan laada'ay. Inta ay dhiiratay oo ay mar kale, go'ii uu xajisanayay ka tuurtay ayay wada hadal dalbanaysaa;

"Waar meeshan uun ha jiifine kacoo nala hadal oo reerka u shaqo tag. Afar cisho gurigaa dab looma shidin, adiguna saacaddaasi ayaad halkan wadhan tahay, marka dantaada laguu sheegana aad jiman isku kicinaysaa"

Isaga oo ay qaadiradii madax martay oo feedho qaawan, macawis yarna ku dhex jira, ayuu soo sara fadhiisanayaa. Cadho ayuu sanku dhaq-dhaqaaqayaa, caddayn buuxda oo dhaabad ah ayaase la hor dhigay. Waxa uu is leeyahay qofkan saacaddan hadalka kula soo doonatay, dhinac ma ugu tuurtaa. Haddana hadaladeedu inay daw yihiin wuu dareensan yahay.

"Sow ma ogid inaan adduun meel ka sugayo, markaana aan hawlo waaweyn bilaabayo. Horena sow kuulama socodsiin qorshahayga, maxaadse saacaddan iigu qaylinaysaa?" ayuu si deganaan ah u odhanayaa, isaga oo been ku sab is  leh, hadalkana u deji oo debecsanaan ku day.

"Waar aniga been ha igu maaweelin haddii ay wax kuu soo socdaan mar hore ayaa la arki lahaaye. Intase aad leedahay waan hurdayaa oo meel ayaan wax ka sugayaa, maxaa kuu diiday inaad sida qayrkaa kalahdo oo aad tabcatid. Waar anigu beentan waan ka ilbaxaye, sidan kuma wada joogi karnee, warqadaydii i sii"

Hadalkeedan danbe ayuu Waayeel aad uga sii boodayaa, inta uu is moogaan dhinaceeda u dhaqaaqo ayuu harraati iyo feedh sidii uu cadaw aan hubaysnayn la dagaalamayo u dudubinayaa, markaasay naburradii dhinac ula dhacaysaa. Isaguna inta uu shaadh iyo surwaal halkeer sudhnaa degdeg u xidho ayuu albaabka ka boodayaa.

Muddo todoba bilood ah oo uu ku jiray qabanqaabada safarkaasi tahriibka ayay reerkani dhisnaayeen, qaxar iyo ibtilana way is hayaan. Noloshiisii iyo dabcigiisii doorsoon oo xanaaq iyo cadho badan ayaa ka soo hadhay. Fur-furnaantii iyo dhoola caddayntii lagu yiqiin libdhe oo mar hore ayay is daayeen. Habdhaqankiisii wax weyn baa iska bedelay, qaadka uu bartaynna saamayn wayn ayuu ku yeeshay qaabnololeedkiisa. Waqtigiisii waxa uu u qaybsamay xili uu qayilkii maanta daba ordayo, saacaddo badan oo uu dul fadhiyo mashaariic-beenaad waaweynna allifo, wadiiqooyin badan oo dadka uu ka tahriibiyo sahamiyo iyo saacado uu la hadalka dadka iska dhaafe, iftiinka ka dhuunto. Inta uu xaaladiisa gaarka ah iska iloobo ayuu dilaal dadka tahriibiya sidiisii u fikiraa, markaasuu shabakad isku xidhan oo haddana meelo kala fog ku kala nool  allifaa. Aamus badan iyo maahsanaan ayaa la soo deristay. Asxaabtiisii hore inta aan la socon isbeddelka ku yimi way yaaban yihiin. Waxa ka dahsoon saamaynta taban ee qaadka, culayska ninka odayga dhinaca reerka ka fuulay iyo arrinta uu degdega iyo fiirsasho la'aanta ku galay iyo fajaca qabsaday.

Mar dambe ayuu kaligii isla faqayaa oo uu dib iskugu noqonayaa. Wuxuu isku canaanayaa in  isaga oo marka horeba walbahaarka iyo walaaca tahriibka la taag darnaa, uu wareer kale doontay.

Arrinkii Waayeel iyo Ubax odayadii tolka ayaa galaya, waxaana eeddii iyo danbigiiba dusha laga saarayaa reer Dugsiiye. Tolkii ayaa xaal bixinaya, Ubaxna sidaasi ayaa warqadeedii looga qaadayaa.

***

Waxa uu Wacays imika aad u danaynayaa inuu ogaado qorshaha mustaqbal ee saaxiibkiis iyo in isbeddel ku yimi fikirkii uu tahriibka ka haystay, wuxuuna ku tuurayaa su'aashan:

 "Warkaygu aniga walaal waa kaas oo xiise badan ma laha'e waxaad iiga warantaa, maxaa imika adiga kuu qorshe ah?"

"Walaalo intii aan magaaladda joogay indho-indhayn ayaan ku hayey, wax ka sii dhaca mooyee waxa u soo kordha indhahayga ma saarin. Dee markaa meeshani horta sii joog ma leh." ayuu ku hal celiyey, Waayeel oo jawaabtiisa ku bildhaamiyey sida joogitaanka dalka aanu niyad ugu hayn.

Wacays oo ku yara baadhaya heerka niyad-jabkiisu gaadhsiisan yahay, doonayanna inuu dareensiiyo baahida loo qabo baaraandeg iyo degannaan dhamaystiran ayaa odhanaya; "Waxa laga yaabaa inaanad xaaladda magaaladda ka wada boganne, maxaad u jeedaa markaad leedahay sii joogis ma leh?"

Waayeel oo dareensan daljacaylka saaxiibkii ayaa is difaacaya oo odhanaya; "Si fiican baan uga bogtay, intii aan joogaynna shaqo kaleba ma haynin, aan ka ahayn qiimaynta xaaladda dalka, aqoonna iiguma laabna. Inkasta oo aanan hadda waxba gacanta ku hayn, haddana waxaan is leeyahay mar labaad nasiibkaaga tijaabi oo tahriib."

Wacays isagu marka horeba wuu diidanaa tahriibka, hadeerna dhib iyo rafaadkii uu maqlayay ayaa loo sheegay, walina waxa uu maqlayaa saaxiibkii oo u diyaara inuu jidkaasi qaado mar kale. Qaadanwaa iyo fajiciso ayay arrimahaasi ula muuqanayaan.

"Walaal ma jabkii aad soo martay ee aad maanta dhan iiga waramaysay ayaad haddana ku noqon, nafta ma haligaysaa?" ayuu si amakaag iyo filanwaa ka muuqdo u waydiinayaa.

Waayeel wuu ogyahay inaanu marnaba saaxiibkii safar tahriib ah ku qancin karayn, arrinkiisana wuxuu u haystaa inaanu dhaafsanayn “Dalkeenaa nimcaa fadhida”. Sidaasi oo ay tahay, tamar wixii uu hayay wuxuu iskugu gaynayaa inuu garnaqsado, sababta socdaalka biimaha ah ku kalifaysana uu bedka soo dhigo.

"Waan ogahay in dariiqa iga horeeyaa aanu sahlanayn, isla markaana qodxo iyo turaanturo badan yahay, laakiin dee bal adigaba aan kuu dhiibee maxaan ku joogaa? Shan iyo labaatan jir baan ahay maanta, walina gurigii hooyaday  iyo aabahay baan fadhiyaa, ma sidaas uun baan reerka dulsaar ugu ahaadaa? Miyaan mar hore la gaadhin xilligii anigu aan reerka wax tari lahaa, abaalkii la ii galaynna celin lahaa? Miyaan la gaadhin xiligii aan reer samayn lahaa, nolol deggana ku noolaan lahaa? Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaane, waan baxayaa, waanan xoogsi tagayaa, haddii Ilaahay igu guuleeyana wanaagsan, haddii ay taydii noqotana dee ma ruux baa dunidan ku waaraya sow qof waliba maalin uun  dhiman maayo!" ayuu si garnaqsi leh badheedhihiisa ugu balbalaadhinayaa.

Wacays oo arkaya in sheekada aanay fara ka qodnayn, iskuna dayaya in saaxiibkii uu si daacad ah talo la mahadiyo u siiyo, ayaa u yeedhaya mid ka mid ah shaqaalihii hoteelka oo ka dalbanaya in weelka cuntada uu ka nadiifyo, shaah caano badan lehna uu ugu soo celiyo. Telefoonkiisa gacanta oo dhawr jeer soo dhacay, sheekadana ka jeediyey ayuu iska bakhtiinayaa si aan doodda looga dhex gelin.

"Waan dareemayaa walaal xilka ku saaran iyo dareen nuglaanta aad u qabto xaaladda reerkiina, waanan kugu bogaadinayaa. Waxaadse iiga warantaa, waynu is ognahaye, halkeed ka filaysaa ama ka dabaraysaa kharashka safarka ilayn qoyskuna waa kii baloodhkii yaraa adiga kuu iibiyey safarkaagii hore’e?" ayuu su'aal ahaan ugu soo celinayaa saaxiibkii.

"Waa run. Qoyska wax aan ugu noqdo iima muuqato. Waxaanse la hadlay qoladii aan ilma abtiga ahayn ee horena wax ii taray. Runtii abaal weyn bay igu leeyihiin, xaaladdaydana way fahamsan yihiin, hadeerna iyaga ayaa wax ii balan qaaday oo aan sugayaa." ayuu ku jawaabayaa Waayeel.

 Wacays markii uu fahmay in saaxiibkii uu waxoogaa lacag ah dibada ka sugayo, isaguna maanta uu hayn dhaamo, waxa uu ku fikirayaa in xitaa taageero dhaqaale uu geysto oo waxa loo soo diro, isna wax ugu daro, dabadeedna Waayeel sidaasi dalka kaga shaqaysto. Waxa uu damcasan yahay inuu u muujiyo in taladiisu aanay ahayn hadal madhan iyo dalka macne la'aan ku joog kaliya, laakiin wixii uu ku joogi lahaana inuu gacan ka gaysto ayuu rabaa. Muxuu u rabi waayey sow saaxiibo isku dheer oo isku jidh damqanaya maaha. Sow Wacays maanta ma dhaqaale dhaamo saaxiibkii, garashudan sow fari mayso inuu gacan waxtar leh u fidiyo saaxiibkiisa waqtigu ku ciirsan yahay. Haddii uu Waayeel taladaas la qaato oo uu sidaas dalka ugu negaado, ganacsi fiicana ka furto, sow Wacays ku guulaysan maayo ka midho dhalinta fikradihii uu waligiiba dadka ku wacdiyi jiray. Taladaasi ayuu u soo bandhigayaa saaxiibkii, waxaanu odhanayaa:

"Walaal waxa la yidhi cid wax ku siisa ma waydide cid wax kuu sheegta ayaad waydaa. Inaad xusuusato ayaan filayaaye barigii aan jaamacadda galayay dood sidan oo kale ah baa ina dhex martay oo midkeenba dhinac ka taagnaa, maantana aragtiyihii uun baa taagan baan filayaa. Anigu walaalo waxan ku odhan lahaa, qoladaasi aad ilma abtiga tihiin wixii aad ka hesho, aniguna intii saaxiibtinimo waan ku darayaaye, dalka kaga shaqayso. Fursado badan ayaa kuu furane lacagtaasi sida aad u isticmaalayso ka fiirso. Waxaad samayn kartaa oo kuu furan inaad  meherad ku furato oo dalkaaga si xor iyo xalaal ah uga shaqaysato. Bajaajtan magaaladda dhinac walba u yaacaysa ee aan joogsiga lahayn, suuq badan ayaa ku jira ayaan qiyaasayaaye, mid soo iibso oo dalkaaga ka shaqayso. Ku darsoo shidaal badana bahashu ma cunto baa la igu yidhi, gacantaadana waad ku wadan. Iska dhaaf naftaadee dadka ayaad idanka Eebe wax ka tariye, talada rogrog oo qalbiga meel uun ha ku qufuline indhaha fur oo dhinacyada eeg" ayuu ku soo afmeerayaa hadalkii isaga oo aad iyo aad iskugu taxalujinaya inuu fikirka saaxiibkii saamayn ku yeesho. 

Waayeel taladaasi wuu ka boodayaa. Si kale ayaabu u sawirtoo, waxay ula muuqataa in saaxiibkii ku dheeldheelayo. La yaab ma leh oo waxa uu ku jiraa dhallin badan oo haddii maanta dalka ka shaqaysta la yidhaahdo ay ula micno tahay habaar iyo qayrkaa ka hadh. Isaga oo caddaynaya sida arrinkaasi uga dagi laaya'ay ayuu odhanayaa:

"Wacaysyow walaal taladaasi anigu ku digasho ayaan u aqaan! Ma dalkan tukaamadii sannadkii hore uun la furay xidhmeen baad i leedahay joog oo meherad ka furo. Haddii adiga waqtigu ku saaciday anigu maalintaydii waan sugayaa. Risiquna halkan uun maahee meel walba wuu yaalaa. Midda kale, ma waxaad doonaysaa in tukaanka maanta aan furto, bilo dabadeed marka uu kaco ee uu is bixin waayo, la igu canaanto oo la yidhaa lacagtii tukaankana wuu cunay oo waa kaas oo waa ma shaqayste. Xaasha! Anigu go'aankan iskama qaadan uune aad baan uga baaraandegay. Labo mid uun baanay noqonaysaa, labadana diyaar baan u ahay: inaan tahriibo oo aan Yurub tago dabadeedna aan guulaysto iyo in aan jidkaas ku dhinto, ilayn kolayba mar uun baan dhiman lahaaye"

Wacays wuu dareemay in saaxiibkii qoonsaday taladiisa. Hadalkii ayuu degdeg u soo galay si uu halkaas u sii jilciyo:

"Aan caddeeyo halkaa. In badan baan ka wada sheekaysanay arrinkan sababta aan mar walba kuugu soo celcelinayaa igama aha cadaadis ama ku digasho, sida aad u fahamtay. Taasi ka soo horjeedkeeda, waa lexojeclo iga kaa haysa iyo inaan kaaga digo intii itaalkay ah inaad raadkii shalay dib u raacdo, oo mar kale silic iyo sursuur oodan ay kula gasho. Walaal diintana waad taqaanaaye waxa uu Rasuulkeenii Muxamad NNKHA yidhi “Qofka muslimka ah god laba jeer lagama wada qaniino”. Soomaliduna waxay tiraahdaa mar i dage  Alle ha dago, laba goor i dagase anaa isku dagay. Waxaan ka wadaa Waayeelow, ma adiga oo maanta ninkaas weyn ee garaad iyo garasho aanay u hadhin ah, xiskaaguna dhan yahay, ayuun baad aayar wadadii aad shalay ku jabtay dib u qaadi, adiga oo heli kara fursado kale oo ka khasaare yar, kana waxtar badan? Midda kale walaal xaqiiqda markaan ka wada hadalno, haddiiba aad nabad qab ku tagto Yurub, maxaad damaanad haysataa inaad guulaysan doonto oo sharci iyo shaqoba aad heli doonto. Imisa asxaabteenii ka mid ah baa la soo sheegay inay Hoolaan iyo Iswiidhan  ku caddilan yihiin, sharcina aanay haysan oo dhuumasho ku joogaan.  Miyaynaan shaashadaha tiifiiyada ka arag hebelo aynu isla garanayno iyaga oo Yurub dibadyaal ku ah oo barafka loo saaray?

Wacays waxa cindigiisa biyo dhigay dareen dalqabatin oo aan la loodin karin, halka Waayeelna dibad jacayl xad-ka-bax ahi madax maray kana indho saabay haydaarta tahriibka iyo hagardaamooyinka ku sidkan dal-ka-cararka bilaa duxda ah. Waayeel arag in saaxiibkii iyo isagu arrinkan laba dhinac oo kala fog ka kala joogaan, isku soo dhawaanshona aanu muuqan, sidaas daraadeed wuxu goostay in uu hadalka soo afjaro, wuxuna yidhi: "Taasi waa qaddar haddii ay jirto, imikana waxaan ka sii odorosnaa waa hadal tiro'e sheekada saaxiib inoo soo afmeer, aanan isku soo ducayno anigu go'aankayga oo aan ka noqod lahayn ayaan kuu sheegaye."

"Ducadu walaal mar walba waa gees ka go'an, waxaanse kuu sheegayaa inaan mar walba jecelahay wanaagaaga, Ilaahayna nafta ha inoo daayo oo ha inagu simo mar danbe oo aynu iska xog waraysano taladaasi aad guddoonsatay.” ayuu Wacays isna hadalkii kaga baxay."

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!