“Labadii Sanno Ee Ugu Dambeeyey, Tayada Waxbarasho Ee Dalka Sare Ayaanu U Qaadnay”

0
1090

Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere), ayaa ka hadlay xaalada Waxbarasho ee dalka, waxaanu sheegay in labadii sanno ee ugu dambeeyey sare loo qaaday guud ahaan Waxbarashada dalka, waxaanu tilmaamay in mar walba siyaasada Wasaaraddu tahay sidii horumar balaadhan loo gaadhsiin lahaa Waxbarashada dalka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere), oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay isagoo ku sugan Magaalada Jida ee Wadanka Sucuudiga, kana mid ahaa xujaajtii Sannadkan ee gudanaayey waajibaadka Xajka, ayaa ugu horeyn yidhi “Labadii sanno ee ugu dambeeyey, tayada waxbarasho ee dalka sare ayaanu u qaadnay, dugsi hoose ilaa heer jaamacadeedna in aanu tayada Waxbarasho ee dalka in aanu dhisno ayaanu diyaar u nahay, si Waxbarashada dalka horumar dhinaca kasta ah ay u gaadho, si ay inoogu soo baxaan Arday dhinac kasta ka dhisan, oo mustaqbalka noqdo Hogaamiyayaasha dalka, markaas in tayada manhajka ee Waxbarashada dalka hagaajino, in guud ahaan wixii ka khaldan ama caqabad ku ah  Waxbarashada dalka in aanu saxno, iyo in waajibka iyo masuuliyadda na saaran si cadaaladi ku dheehan tahay uga soo baxno, oo aanu mar walba tayada waxbarashada si joogto ah ula soco, si wax walba inoogu hagaagan ayaanu xil badan iska saarnay”.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Somaliland oo ka hadlay xajka ayaa yidhi “Imika waxaan ku sugaynahay Jidah, waana ka soo ambaxaynaa, waxaana soo gudunay waajibaadkii Xajka, oo ALLE ayaanu ugu shugri naqayaa gudashada xajka, waxaana inoogu ducaynayaa in wax walba inoo hagaagan, waxaana ALLE inooga baryayaa in Doorashadu si nabadgalyo ah inoogu dhacdo, dadkeenana waxaan leeyahay isku duubnadaa”.